Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hay’adaha SCERDO iyo Humanity First oo gurmad biyo dhaamin ah ka bilaabay Deegaanada Ceegaag iyo Goljano.

Iyadoo Degmada Ceegaag iyo nawaaxigeeda ay wali ka taagan yihiin abaaro iyo biyo La’aan baahsan oo saamayn balaadhan ku yeelatay bulshoweynta ku dhaqan deegaanadaasi ayaa waxaa haatan la gaadhsiiyey gurmad balaadhan oo biyo dhaamin ah oo ay ka fuliyeen hay’adaha SCERDO iyo Humanity First Canada oo fadhigoodu yahay dalka Kanada.

Abdi Xaaji Cali Cilmi oo Wakiil ah labada hay’adood ee biyahaasi gaadhsiiyey deegaanadaasi oo xiligan biyo la’aan baahsani ay ka taagantahay ayaa u mahad celiyay hay’adaha SCERDO iyo Humanity First Canada isagoo sheegay in bulshada Deegaankaasi ay si wayn ugu Mahad Celiyeen Biyahani Xiligan la soo gaadhsiiyey

Ugu danbayn waxaa sidoo kale halkaasi ka hadley Caaqil Cabdi Jaamac Gaydh, isagoo u  mahadceliyay ALLE s.w.t iyo waliba hay’adaha SCERDO iyo Humanity First Canada.

Cali Dhagjar, Ceegaag

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply