Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hargeysa oo Madaxdii Dhaqanku ka soo amaaneen Maamulka Puntland “Majeerteenku Waa niman Gob ah iyo Duul Garaad Badan”

Salaadiinta dhaqanka iyo Ugaasyada Beelaha Soomaaliland oo shir Saxaafadeed ku qabtay Magaalada Hargaysa ayaa uga mahadceliyey Madaxda dhaqanka iyo Maamulka Puntland sida wanagsan ee ay u soo dhaweeyeen Ugaasyadii u tagay Hargeysa in ay soo daayaan Abwaan mudo ku xidhnaa Magaalada Garoowe.

In aan C/Waaxid soo dayno ayaan aadnay laakiin waxaan arkaynay wixii aan u soconay wax aan ahayn, waxaan ku soo aragnay Puntland Maamul iyo Xukuumada nooga Wanaag badan Maamulka Soomaaliland, dadkeena waxan u sheegaynaa in dhulkaas ayna Colaad noo oolin.

“Waxaan go’aansanay in aan dadka Soomaaliland u sheegno wixii aan ku soo aragtay Puntland, Colaad iyo Xumaan nagama Jirto Puntland ee dad iyo dal Soomaaliyeed oo dadkiin ee ah ayaa naga jira ee aan ogaano taas, Siyaasada iyo wax la isku hayo aan meel iska dhigno oo aan Ogaano in Maamuuskii ugu wanaaganaa noo yaalo Puntland” Waxaa Sidaas yidhi Ugaasyadii Magaalada Garowe ka yimid ee u tagay Soo daynta Abwaanka Magaalada  Hargaysa u dhashay ee mudada ku xidhnaa Magaalada Garowe ee Xarunta maamulka Puntland.

Abwaanka ayaa isan Gabay ka tiryey Goobtaas,uu ku amaanayo sida wanaagsan ee loo sharaf isag iyo Salaadiintii Soo dayntiisi u tagtay Magaalada Hargaysa, wuxuuna ku jeex Jeexay Amaan tii ugu danbaysay, isaga oo cabiraya dareenkiisa iyo dhaqanka iyo maamuuska wanaagsan, Abwaan C/Waaxid Cali Gamadiid ayaan Gabaygan ku sheegay Gobanimada iyo sharafka ay Salaadiintiisu ku soo arkeen.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply