Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hanaanka dawladnimo iyo haykalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya waa mid maraya meel xasaasi ah

Hanaanka dawladnimo iyo haykalka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya waa mid maraya meel xasaasi ah,waxaana haboon in la dhawro dastuurka & sharciga dalka u degan.
Masuulka kasta oo maqaam sare ka haya dawlada federaalka ah ee Soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay inuu si wadanimo, geesinimo & hawlkarnimo leh u guto waajibaadkiisa shaqo.
Lama joogo waqtiigii shaqsiga la jecleysan jirey balse waxaa la joogaa waqtigii shacabka soomaaliyeed ee dhibaatada lixaadka leh haysato la badbaadin lahaa.
Waa dhamaaday waqtigii isjiid-jiidka iyo siyaasada qalafsan lagu dhaqmi jirey,waxaana golaha wasiiradda iyo xukumaddaba looga fadhiya inay laba jibaaraan hawlahooda shaqo si dalku marxaladaha uu marayo looga gudbo loona qabto shaqo adag oo na hor taal.
Shacabka Soomaaliyeed waa dad jecel nabada, horumarka iyo dawladnimadda waana dad doonaya inay ka soo kabtaan dhibaatadii mudada badan soo jiitamaysay, mana dhici doonto in shacabka Soomaaliyeed la caburiyo masiirkooda iyo rabitaankoodana laga hor yimaado.
Hadal yar, hawl-badan & Hanuunsanaan baa inoo balan ah.(Raysalwasaare Cabdiwali Sheekh)

Mahadsanidiin.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply