Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Hadii xasuuqyadii ay ku andacoonayeen SNM iyo USC, dusha loo saaray dowladii kacaanka, yaa ka masuul ah xasuuqyadii dhabta ahaa, ee ay shacabka Soomaaliyeed u gaysteen labadaa jabhadood?!! Hadmuu se dhibanihii noqday dembiile?!!

In badan ayaa laga hadlay wada hadalada suuqa madow, ee u dhexaya dowlada federaalka Soomaaliya, iyo maamulka isku magcaaba Soomaaliland, wax badan baa dowlada Soomaalida haya’adaheeda kala duwan kor iyo hoosba, si toos ah iyo si dadbanba loogu sheegay, in qaabka ay u wajahayso dowladu wada xaajoodkaa, uu yahay mid aan sax ahayn, bal uu yahay khiyaana
Qaran oo cad, bal se waxaas oo dhan, masuuliinta sar sare ee dowlada federaalku, dhegaha ayay ka furaysteen, wayna ka soo horjeesteen rabitaanka shacabka Soomaaliyeed, siiba kuwa ay qadiyadanu khusayso, arintanu maaha mid markii ugu horaysay aduunyada ka dhacday, bal waa mid wadana badan ka dhacday, siiba kuwa aynu isku mandaqada nahay, waxay ka dhex dhacday
Itoobiya iyo Ereteeriya, waxay ka dhex dhacday Sudaan iyo koonfurta Suudaan, iyo wadano kaleba, Itoobiya Ereteeriya wadahadal lama bilaabin ilaa ay aqoonsadeen, in ay yihiin qayb ka mid ah dalka Itoobiya, wadahadalkoodana lagu salayo distuurka Itoobiya u yaala, ayna hubka dhigaan, oo joojiyaan wixii hawl galo dagaal ah, sidoo kale Sudaan lama bilaabin wadahadalo
Koonfurta Suudaan ilaa ay aqbaleen in ay yihiin qayb ka mid ah Suudaan, wada xaajoodkoodana lagu salaynaayo distuurka Suudaan, ayna hubka dhigaan, oo joojiyaan wixii hawl galo dagaal ah, tii ugu dambaysay jabhada ONLF waxaa aduunku ku khasbay, in ay aqbalaan, in ay yihiin qayb ka mid ah Itoobiya, ogolaadaana distuurka Itoobiya, si ay wada
Xaajood ula furi karaan dowlada Itoobiya, bal se wada hadaladan suuqa madow, ee u dhexaya dowlada federaalka iyo maamulka SNM, kuwaa dowliga ah waa ka duwan yihiin, dowlada federaalku waxay wada hadal la furtay, maamul sheeganaaya dowladnimo, maamul aan aqoonsanayn in uu qayb ka yahay Soomaaliya, kuna dhawaaqay in uu yahay dowlad ka
Madaxbanaan Soomaaliya, distuurkeedna aan aqoonsanayn, maamul dhul badan, oo Soomaaliya ah ku doodaaya, in ay qayb ka yihiin dowlada ay ku andacoonayaan, oo iyaga ka mid yihiin, xoogna ku haysta dhul badan oo Soomaaliyeed, oo aan shacabkiisu ka raali ahayn, dowlada federaalku waxay ogolaatay, in ay wada hadalkaas gasho, iyada oo aan haba yaraatee, wax
Shuruuda ah ku xidhin, dowlada federaalku waxay miiska wada hadalada ula fadhiisatay gobol ka mid ah dalkeeda, sidii dowlad ka madaxbanaan dalkeeda, sida ku cad war murtiyeedadii, ka soo baxay wada hadaladaas (this is a dialogue process between the government of Somaliland and the federal government of Somalia to reach agreement on future relations- kani waa
Hanaanka wadahadal, ee u dhexeeya dowlada Somaliland iyo dowlad federaalka Somaliya, si ay heshiis uga gaadhaan xidhiidhadooda mustaqbalka), dowlada federaalku waxay wadahadaladaa ka horjoogsatay, dhamaan dadkii ay khusaysay qadiyadanu, sida shacabka ku nool dhul badan iyo gobolo, uu maamulkaasu ku andacoonaayo, in ay ka mid yihiin, iyaga oo
Aan shacabka goboladaas, wax taageero ah ka haysan, qaarkoodna ayba xoog ku haystaan! Iyo weliba qaar ka mid ah shacabka ka soo jeeda magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, bal se aan taageersanayn gooni-goosadka, dowlada federaalku waxay u dirtay si ay ula xaagoodaan maamulka isku magcaabay Somaliland, wefti aan dhex dhexaad ka ahayn arimaha goboladaa,
Khibrad siyaasadeed iyo mid taariikheedna aan u lahayn qadiyadaa, waxayna ka horjoogsatay dowlada federaalku wadahadaladaa, dadkii ay khusaysay sidaan hada soo xusay, in kasta oo ay dowlada federaalku ku andacoonayso, in ujeedada ugu dambaysta ah, ee ay wada hadaladaas ka leedahay, ay tahay midaynta Soomaaliya, hadana arintaasu mid muuqata maaha, waxayna u
Egtahay marin habaabin iyo maaweelin ku wajahan shacabka Soomaaliyeed, siiba kuwa ay qadiyadanu sida gaarka ah u khusayso, marka laga yimaado, hadalada ay madaxda dowlada federaalku ka sheegayaan warbaahinta, waxa muuqata, oo sida dhaarta u cad, in ficil ahaan arintu sidaas ka duwan tahay, natiijooyinka wada hadaladaas iyo qaabka ay dowlada federaalku
Qadiyada u maamulaysaana, ay u xaglinayso, dhinaca rabitaan maamulkaa isku magcaabay Somaliland, wada hadal kasta oo lala galona, uu maamulkaas Somaliland kala laabanaayo qader guul ah, yaanayba badnaan ee, bal se wada hadal kasta, ay wuxuun faa’iida ah, oo rabitaankooda taageeraysa kala tegayaan, wada hadaladii labada dhinac ku dhex maray London iyo Dubai waxa
Maamulkaasu ka faa’iiday, oo kala laabatay, in sidii laba dal, oo siman loo wada hadlo, taas oo markii dambena lagu sii cadayay, wada hadalada loo soo wareejiyay dalka Turkiga, wada hadaladii ka horeeyay, kii ka dhacay todobaadkii ina dhaafay Turkiga, oo isna turkiga ka dhacay, waxay ka faa’iideen maamulkaa Somaliland, in ay maamulka hawada Soomaaliya ula
Qaybsadaan dowlada federaalka, sidii laba dowladood oo siman, wada hadaladii u dambayay, ee todobaadkii ina dhaafay ka dhacay isla dalka Turkigana, waxa maamulkaasu ka faa’iiday, in ay u qirtay dowlada federaalku, in dowladii kacaanku laysay shacabka maamulkaas (we share the pain inflicted upon the Somali people by the military regime in Somalia befor the year
1991. We condemn all the atrocities committed by that regime throughout all Somali People particularly the people in Somaliland- waxaanu wada dareensanahay xanuunkii uu shacabka Soomaaliyeed, u gaystay maamulkii milateriga ahaa ee Soomaaliya, intii ka horaysay 1991. Waxaanu dhamaan wada cambaaraynaynaa sida cadawtinimada ah, ee uu
Maamulkaasu u laayay dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Somaliland), qodobada ilaa hada wada hadaladaa ka soo baxay, dhamaan waxay muhiim u yihiin rabitaanka maamulka isku magcaabay Somaliland, waxayna si fiican uga taageerayaan, aasaas iyo xuduna u noqonayaan rabitaankooda gooni-goosadka ah, bal waxaa qodobadan
Talaaba talaabo loogu xaqiijinayaa madax banaanida maamulkaas, waxa muuqata in si xirfadaysan, oo heer sare ah, loo qorshayay wada hadaladaa, waqtigoodna loo dheerayay, in wada hadal kasta, hal qodob oo lagu taageeraayo rabitaanka maamulkaas, ay ka soo baxaan, si tartiib tartiib ahna loo leqsiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ay qadiyadanu sida
Tooska ah u khusayso, oo marka ay mudo qayl qayliyaan, ka dibna lagu ilowsiiyo, hadalada raaxayaha iyo geed sare waabka ah, ee ay madaxda sar sare, ee dowlada federaalku warbaahinta ka sheegayaan, ee ah midnimada dalka ayaanu ilaalinaynaa, ka dibna wada hadalka xiga hal qodob, oo kale oo u muhiima maamulkaas laga soo saaro, ilaa laga gaadhsiinaayo maamulkaas
Madaxbanaani buuxda!! Waayo caqliga Soomaalida baa la fahmay, laba saddex casho bay qayl qaylinayaan haday u bataan, dabadeedna waa layska ilaawi arintaas, waxa muuqata in aan dowlada federaalka ah, wax talo ahi faraha ugu jirin, ayna sidaas raali ku yihiin, iyagoo ka rajaynaaya in iyagana xoogaa faa’iida ah, oo ay ku maydhaan eedihii loo haystay ururkii USC,
Ay ka helaan, sida hada ka dhacday wada hadaladii todobaadkan! Arintana ay qorshayeen, oo daaha gadaashiisa ka maamulayaan awooda shisheeye ahi!! Qodobkan aan soo xusnay, ee ka midka ahaa warmurtiyeedkii ka soo baxay wada hadaladii todobaadkii ina dhaafay ka dhacay dalka Turkiga, wuxuu daliil u yahay in hada arinta wada hadaladaasu Alamtara soo dhaaftay, oo
Wixii markii hore lala gabanaayay, ama la huurinaayay ay hada debeda u soo baxday, oo laysu soo badheedhay, waxaa denbiyadii dagaal, ee wadankeena ka dhacay oo dhan, dusha lagaga saaray, cidii dhibanaha u ahayd fal denbiyeedadaa!! Denbiilihiina waxa lagaga dhigay xalay dhalay, iyo in uu weliba isagu dhibane u ahaa denbiyadaa dagaal!! dowladii kacaanku waxay
Dalka ka difaacaysay jabhado hubaysan, oo ay dowlad cadaw dalka u ahi soo hubaysay, jabhadaas oo ku soo gabaday shacabka dhexdiisa, hubkana kaga soo ridaayay ciidamada dowlada, dadka shacabka ahna u laynaayay qaarkood qaab qabiil, dowladu waxba kama qaban karayn, aan ahayn in ay iska difaacdo, oo ay dalka difaacdo, taasna dabcan khasaare ayaa ka soo
Gaadhay dadkii shacabka ahaa oo dhan, iyada oo aan loo eegayn qabiil iyo hayb toona, waxayna u qaybsameen wax ay waxyeelayeen hubkii ay labada dhinac is waydaarsanayeen, sida dhimasho, dhaawac, barakac iwm, iyo waxay si isir tir ah, u gumaadeen jabhadihii dalka ku soo duulay, ee uu cadawgu dabada ka riixaayay, laakiin qodobkan sida loo dhigay, waxa wixii
Dhacay oo dhan, ee denbiya dagaal ahaa, dusha laga saaray dowladii kacaanka ee dalkeeda difaacaysay, oo waajibka saarnaa sidaa faraayay!! Waana sida ay samayn lahayd dowlad kasta, oo amniga dalkeedu sidaa khatar u galo, amaba ay samayeen dowlada badan oo caalamka ahi, hadii dowlada Maraykanka maanta xaaladaasu la soo deristo, waxay uun samayn lahayd waxay
Samaysay dowladii kacaanku, ama ka sii badanba! Ka dib markii ay burburtay dowladii kacaanku, oo meesha ka baxday, hubkii dowladana ay dhaxleen labadaa jabhadood, ee SNM iyo USC, waxay xasuuq aan loo aaba yeelin, oo isir sooc ah, oo badheedh ah, la beegsadeen shacabkii ka soo jeeday beelaha Daarood iyo Samaroon, xasuuqyadaas oo ka dhacay koonfur iyo
Woqooyiba, waxa ku naf waayay boqolaal kun oo qof, waxana ku dhaawacmay, lagagana barakiciyay guryohoodii iyo guud ahaanba hantidoodii tira intaa ka badan, oo weli ka dib saddex iyo labaatan sanadood hantidoodii laga haysto, laakiin qodobkan aan soo xusnay dadkaa dhibanaha ah, wuxuu ka dhigayaa denbiilayaal! Hadaan arinta si kale u dhigno, oo arinta
Qodobkan af Soomaaliyayno, jabhadihii SNM iyo USC waxay ka dagaalameen, oo dalka u burburiyeen, waa in ay ku andacoonayeen, in dowladii kacaanku ahayd dowlad Daarood! In kasta oo dowladaasu ahayd dowlad Soomaaliyeed, beelaha ay labadaa jabhadood ka soo jeedeena, dheefta ay dowladaa ku qabeen, aanay ku qabin beesha ay u nisbayeen ee Daarood
Hadana waa sida ay aaminsan yihiin iyagu! Sidaas darteed waxa qodobkan, macnihiisu yahay, denbiyadii dagaal ee dalka ka dhacay, waxaa dusha ku qaadaaya beelaha Daarood!! Iyaga wixii khasaare soo gaadhay, shacabkii laga xasuuqay, hantidii laga dhacay iwm ahina wax ka soo qaad malaha!! Waa kaa macnaha runta ah, ee uu qodobkaasu xambaarsan yahay! Hadaba waxay tahay
Su’aasha ay tahay, in uu is waydiiyo muwaadin Soomaaliyeed oo kasta, oo u saaxiiba ah damiir wanaagsan, caqli iyo cadaalad, waa su’aasha ku xusan qoraalkan cinwaankiisa ee ah: Hadii xasuuqyadii ay ku andacoonayeen SNM iyo USC, dusha loo saaray dowladii kacaanka, yaa ka masuul ah xasuuqyadii dhabta ahaa, ee ay shacabka Soomaaliyeed u gaysteen labadaa
Jabhadood?!! Hadmuu se dhibanihii noqday dembiile?!! Beelaha Daarood dhibta haysata, oo ay kaga duwan yihiin beelaha kale ee Soomaaliyeed, waxay tahay ilaa iyo shirarkii dibu heshiisiinta oo dhowr wadan lagu kala qabtay, ilaa iyo maanta, oo uu dalkii yeeshay dowlad, shakhsiyaadka beelahaa u metelayaa, maaha kuwa u adeegaaya, oo difaacaaya xuquuqda shacabka ay metelaan,
Bal waxay difaacdaan danahooda gaarka ah, sida mansab ay helaan, iyo kii haysta oo mansabkiisa xejista, sidaas darteed waxaad arki doontaan ama hadaba jira kuwa badan oo taageeraaya qodobka beelahood lagu dulmiyaayo, bal waxad arki doontaan kuwa badan oo cidiyaha ku diriraaya, si ay qodobkaa u difaacaan!! Beelaha Daarood laftigood way isku riix
Riixayaan, sida in ay qaarkood yidhaahdaan, waxba inagama khusayaan inaga, reer hebel buu ku wajahan yahay, ee cirka ha iskala soo dhaceen! Laakiin ha ogaadaan dhamaan, in qodobkanu arima badan albaabada u furaayo, uuna yahay heshiis dowli ah, dhamaantoodna uu gundahooda iman doono, waqti aan fogayna, ay dhamaan qaranka ka noqonayaan denbiilayaal, oo xaqooda
La duudsiyi doono! Si kastaba ha ahaatee, isbahaysigii USP iyo inta damiirka leh, ee soo raacda, waxa la yidhi xabaal iyo ninkeeda loo kala tegyee, fadhi idiinma yaalo, seeftuna raqabadiina ayay kor saran tahay, arintana kacdoon shacab uun baa wax lagaga qaban karaa, oo wax ka bedeli karta, sidaas darteed sidaan qoraalo horena ku xusay, waa in dalka iyo debedaba kacdoono
Iyo banaan baxyo balaadhan, oo aan loo kala hadhin laga abaabulaa, lagu cambaaraynaayo wada hadaladaa ka soconaaya dalka Turkiga, si gaar ah waa in loogu banaan baxaa dowlada Turkiga safaaradeheeda iyo qunsuliyadeheeda ku kala yaala daafaha dunida, gaar ahaan wadamada muhiimka ah, sida Maraykanka iyo dowladaha midowga Yurub, yaan lagu hodmin hadalad mac
Macaan ee uu Xasan Shiikh warbaahinta iyo maxfalada ka sheegaayo! Xasan Shiikh ficiladiisii waxba kama bedelin, bal se wuxuu bilaabay in uu dadka iskaga qaboojiyo hadalo debecsan iyo balanqaadyo aan run ahayn, ka dib markii ay ficiladiisii xagjirka ahaa, ku kiciyeen mowjado mucaarad ah, si gaar ah shacabka reer SSC, waxan leeyahay, war toosa, oo baraaruga, oo iska
Dhaafa arimahan gudaha, ee laydinku mashquuliyay, oo kor eega, oo arka seefta raqabada idinka saaran, ha ku hodmina, oo yaan laydinku khiyaanayn, waxa ay qorayaan websiteyada ku-shubada ah, ee ay qoraan buuryaqabta, aan xilkaska ahayni, ee ku qadhaabta magaca Khaatumo, waa waxmagarato, waxay u afduuban yihiin nin tuug wayn ah, oo USC ah, oo hadaladaa ma
Dhalayska ah, u soo dhiiba, si laydiinku maaweeliyo! Waa tuug afar kaboodle ah, oo lagu magcaabo Daahir Calasow, wuxuu ka mid ahaa, kuwii wax u qori jiray, oo dhiirin jiray USC, markay dalka burburinayeen, shacabkana xasuuqayeen, welina shaqadaas ayuu hayaa, isaga ayaa dhiiri geliya, in Dhulbahante is aflagaadayo, oo buurya qabtaa u afduuban, ee aan xilkaska
Ahayn, ku soo dira dadka wax-ku-oolka ah iyo mudanka, isaga ayaa ka dambaya in deriska, dadka sharafta u saaxiibka ah, iyo sokeeyahaba la aflagaadayo, xataa waxay ku hadalaan afkiisa, oo isagaa u soo dhiiba waxay qorayaan, sida: Somaliland oo godkeeda biyo ugu gaaleen! Xasan Shiikh oo Siilaanyo ka nixiyay! Faysal Cali waraabe oo afka furtay, kana soo hor jeestay
Heeshkii Turkiga! Xasan Shiikh oo maamulka SNM runta u sheegay! Xasan Shiikh oo Khaatumo aqoonsaday!! Waxaasu waa Irbada sumaysan, oo laydinku suuxinaayo, oo uu tuugaas iyo cida la talisaa, idiinku soo dhiibeen waxmagaratadaa! War beelaayadaa burya qabta ah, wixii ka naxaaya, ee u fara dhuudhuubanow, ka soo xoraya, tuugaa wayn ee ma naxaha ah! Ugu
Dambayntii isbahaysiga USP fadhi inooma yaalo, seeftuna raqabadeena ayay saaran tahay, hadal yar iyo hawl badan, iyo xafladaha iyo dabaal degyada, oo waqtigooda lala sugo.
Wabillaahi atowfiiq
Ciise Maxamuud Aadam
almutawaadic@yahoo.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply