Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Habkii uu u qabsoomay casho sharafeedkii bilaha ahaa ee SAYPA Sep. 2018

Iyada oo bilwalba ururka Somali American Youth Parents Association (SAYPA) uu qabto xaflad ay kuwada casheeyaan badanaa hooyooyinka iyo ubadkoodu, ayaa bishan waxaa lagu soo casuumay labo fanaan oo ku heesa luqada Ingiriiska ku waa soo waayadan danbe soo caanbaxay oo ay dhalintu heesahooda ka dabo dheceen.

Fanaaniintan oo kala ahaa Mowliid Xasan Maxamed (lil Mo) iyo Maxamed Axmed Salaad (MoBands) ayaa degan magaalada Minneapolis  ee Gobolka Minasota iyaga oo soo bandhigay heeso cusub oo aad u qancitay hooyooyinka iyo ubadkooda reer SAYPA.

Xaflada ayaa waxaa hadalo dhiirigalin ah ku furtay madaxa SAYPA Samira Axmed iyada kuu ku xeel dheeraatay sida ay uga go’an tahay inay ubadka Soomaaliyeed ee kuy dhaqan magaalada Boston ay yeeshaan xidhiidh sokeeye kuna dadaalaan waxbarashada oo bulashada wadankan Maraykanku ku kala hadheen.

Samiira ayaa goobta ka sheegtay sida ay lama huraan u tahay in bulshadu is gacan qabato oo dadka horay u maray jidadka qodxaha lex ay uga leexiyaan bulshada soo korasa ugana digaan dib u dhaca ay ku keeni karto maritaanka wadooyinkaa ku qalafsan dhismaha mushtamac caafimaad qaba.

Aqoonyahanada ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Cali, Cabdixakiin, Axmed oo dhamaantood ah dhalinta ka qalin jabisay Jaamacadaha Gobolkan Massachusetts, waxaa iyaguna Ruwaayad kasoo jeediyay Ardayda Iskuulaadka Sare.

Waatan Xafladii oo kooban ee naladaawada.

Xuquuqda waxaa iska leh SAYPA.org

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply