Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guri ku yaala Muqdisho oo qarax Xoogan uu saakay ka dhax dhacay iyo Faah faahin kasoo baxeysa waxa uu ahaa Qaraxaasi

Macalim Maxmuud Saney, gudoomiya ku-xigeenka degmada Wada-Jir ee gobalka Banaadir ayaa waxa uu xaqiijiyay in qarax xooggan uu ka dhacay guri ku yaala waaxda Xalane ee degmadaasi kaas oo galaaftay laba ruux oo qaraxa halkaasi ku diyaarinayay halka ay ku dhaawacmeen shacab guriga ku noolaa.

“Qaraxa waxa uu ka dhacay guri dhexdii salaadii subax kadib. Waxaa goobta gaaray ciidamada amaanka, waxaana loogu tegay laba meyd ah oo halkii qaraxu ka dhacay taalla iyo dhaawac shacab guriga wax uga noolaa wali baaritaan ayaa socda”, Macalim Maxmuud Saney ayaa ku waramay.

Macalim Maxmuud Saney ayaa waxa uu sheegay in meydadkii ay wali yaallan halkii qaruxu ku haleelay.

Inkasta oo aan la’ogeyn qolyaha qaraxa ku dhintay in ay ahaayeen Shabaab ayaa hadana waxaa caan ku ah in ay diyaariyaan qaraxyo kooxda Shabaab iyada oo dhowr mar oo hore sidaan oo kale ay qarax ku dhinteen rag diyaarinayay miinooyin lagu laayo dad fara badan.

Qaraxa maanta ayaa waxa uu shakiga ka saarayaa warar sheegayay in qaraxyada lagu soo diyaariyo meel ka baaxsan caasimada kadibna lasoo geliyo Caasimada iyaga oo bar-tilmaameed uun ku wajahan.


Kismayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag