Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiyaha SCERDO oo la gudoonsiiyay bilada dheemanka ee ay bixiso boqoradda Canada/Ingiriiska Queen Elizabeth II. (Daawo Sawiradda)

 Guddoomiyaha guddiga fulinta ee hay’adda SCERDO ayaa ka mid noqday 30 qof oo ku guulaystay billadda dheemanka ah (Queen’s Diamond Jubilee Medal 2012) ee ay bixiso boqoradda Ingiriiska Queen Elezebeth II.

Xaflad caawa lagu qabtay hoolka lagu magacaabo Howard Theatre ee ku yaala magaalada Edmonton ee dalka Canada xafladaas oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu guddoonsiinayay 30 shakhsi oo loo aqoonsaday in ay waxqabad muuqda u qabteen bulshada iyo hay’adaha ay masuulka ka yihiin. Bashir Xaaji Cali (Jamaal) oo ah guddoomiyaha guddiga fulinta hay’adda SCERDO ayaa ka mid ahaa dadkii loo aqoonsaday in ay wax badan ka qabteen horumarinta bulshada ku nool dalka Canada iyo dalka Soomaaliyaba isagoo wakhti badan ugu tabarucay sidii uu wax ugu qaban lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool  magaalada Edmonton iyo Dalkii hooyaba. 

Waxaa si gaar ah loogu ammaanay Bashir Xaaji Cali (Jamaal) sida uu u caawiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee dhibaatadu ka haysato dhinacyada waxbarashada, shaqada iyo hoggaamintaba. Dadkii ku guulaystay biladaha ayaa waxaa gudoonsiinayay wakiilka Boqoradda Ingiriiska ee gobolka ALBERTA ee dalka Canada Xurmadle Donald Ethell oo si wayn ugu dheeraaday muhimadda ay leedahay billaddani iyo isagoo salaam iyo farriin uu ka sido Queen Elizabeth II boqorada Ingiriiska ahna boqorada dalka Canada u soo gudbiyay dadkii ku guulaystay billaddaas, qoysaskooda iyo asxaabtoodaba. 

Waxaa kaloo isna halkaas khudbad qiimo badan ka soo jeediyay Mudane Peter Goldring oo ah mudane baarlamanka federaalka Canada oo isna ku ammaanay dadkan ku guulaystay billaddan wax qabadka dhabta ah ee ay u qabtoon bulshadooda iyo dadka sida gaarka ah ugu baahan gargaarka. 

Xafladdaas oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin iyo madax ka socota qaybaha kala duwan ee dawladda Canada iyo martis haraf aad u badan ayaa ku soo gabagabowday jawi-farxadeed oo aad u sarreeya.

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag