Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiyaha Gudiga Siyaasada SSC Khaatumo Bashiir Xaaji Cali oo Safar Shaqo ku Gaadhay Kiiniya, Lana Kulmay Xildhibaan Faarax Macallin Dawaara iyo Professor Dr. Cabdiwahaab Shiikh.

Nayroobi Jan 12, 2023: ‘Waxaan maanta kulan ku wadayeelanay magaalada Nairobi Xildhibaan Faarax Macallin Dawaara iyo Professor Dr.Cabdiwahaab Shiikh Cabdisamad oo ka mid ah masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta dalka Kenya. Waxaan masuuliyiinta warbixin dheer ka siiyay xaaladda gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn gaar ahaan xaaladda iyo kacdoonka shacabka Laascaanood ee lagu diiddanyahay joogitaanka malayshiyaadka Muuse Biixi ee ku sugan agagaarka magaalada Laascaanood.

Waxaa masuuliyiintu hoosta ka xarriiqeen taageerada ay u hayaan shacabka reer SSC ee ku aaddan aaya ka tashigooda. Waxaa labada masuul ballanqaadeen in ay deeq buugaag ah oo ka kooban 10,000 oo buug ugu deeqidoonaan madxafka magaalada Laascaanood marka ay ku soo noqoto gacanta shacabka reer SSC. Waxaa kale oo masuuliyiintu ballanqaadeen in aysan taageeradooda joojindoonin inta shacabka SSC ay helayaan xaquuqdooda dastuuriga ah ee ay ku leeyihiin ummadda Soomaaliyeed. ‘ Bshiir Xaaji Cali.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply