Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiyaha Gobolka Massachusetts oo xafiiskiisa ku qaabilay Deeqo Jibriil iyo qaarkamida madaxda jaaliyada Soomaalida

Gudoomiyaha (The Governor) Gobolka Massachusetts Deval Patrick ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Deeqo Jibriil oo ah Madaxa urur  ilaaliya Dhaqanka iyo Hidaha Soomaalida (Somali Community & Cultural Association). Deeqo ayaa si wayn ugu Xusulduubatay sidii ay Aqalka Sare ee Maraykanka (Senatka) loogu dooran lahaa Elizabeth Warren  iyo waliba in Afsoomaaliga lagu daro afafka ay dadku ku codeenayaan.

Deval Patrick ayaa si aada uga mahad celiyay dadaalka dheeriga ah ee ay samaysay Deeqo Jibriil oo horay ugu guulaysatay Bilada “Unsung Hero”. isaga oo soo dhaweeyay baraaruga wayn ee ay Deeqo u horseeday Soomaalida Gobolkan oo bilaabay inay tijaabiyaan awoodooda Siyaasadeed 20 Sano kadib qaxootinimadoodii.Deeqo Jibriil ayaa dhinaca kale si tafatiran ugu sharaxday Gudoomiyaha caqabada ka haysta Jaaliyada Soomaalida dhinacyo badan.

Waxaa isna sharaxaad faahfaahsan Gudoomiyaha siiyay Sheekh Yuusuf Cabdala oo ka socday Boston Islamic Center Masaajidka Soomaalida reer Boston ee Al-Taqwaa. Sheeku wuxuu gudoomiyaha uga war bixiyay waxyaabaha ay bulshada u qabtaan isaga oo gudoonsiiyay qoraal qeexaya hawshooda. Waxaa sheekhu hadalkiisa kusoo gabo gabeeyay isaga oo gudoomiyaha u sheegay  in tirada jaaliyada Soomaalida ee reer Boston kobcayaan ayna ku hawlan yihiin sidii ay u heli lahaayeen meel ka wayn meesha hada rugta u ah ee xaafada Jamaica Plain.

Eng. Xuseen Fiin ayaa isna Gudoomiyaha ka codsaday inuu Jaaliyada Soomaalida ku dhiiro galiyo kana caawiyo ka muuqashada Masraxa Siyaasada ee Gobolka Massachusetts. Cabdicasiis Aadan ayaa isna gudoomiya ka codsaday inuu Jaaliyada gacan ka siiyo horumarinta dhalinta dhinacyada Waxbarashada iyo Ciyaaraha.

ugu Danbayn Luul Gaalooti ayaa u mahad celisay Qaabilaadaa heerka sare iyo niyad wanaagu ku dhisnaa ee uu Gudoomiye Deval Partric ku qaabilay Soomaalida iyada oo xasuusisay Gudoomiyaha in Soomaalidu dawrwayn ka ciyaareen Doorashadiisii.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag