Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudiga gurmadka degdega jaamacadda muqdisho ayaa gaarsiiyey deeq isugu jrta BARIIS,SOKOR,SALIID,IYO TIMIR IYO DHAR dadka ay biyaha kusoofataheen ee gobalka shabeelaha dhexe

Deeqdan lagaarsiiyey dadka kuwaxyeeloobay fatahaadyada gobalka shabeelaha dhexe ayaa waxaa ka faa,iideystay 300 saddex boqol oo qoys mar uu lahadlayey warbaahinta Dr- C/laahi Abuubakar Sheikh Xuseen oo ah gudoomiye kuxigeenka gudiga gurmadka degdega ee jaamacada Muqdisho ahna hormuudka kuliyada waxbarashada ayaa sheegay mar uuka waramayey qeybinta deeqdan aygaarsiiyeen ayaa yiri “WAXAAN XOOGA SAARNAY INAAN DADKA AAD UJILICSAN SIDA DADKA CURYAAMIINTA,DADKA WAAYEELKA, HAWEENKA IYO CARUURTA “ aan garsiino ilaahayna wuu noo fududeeyey.
Jaamacadda Muqdihso sidii looga bartay iyada oo kaashanaysa maamulkeeda, macallimiinteeda, ardaydeeda dhigata Jaamacada iyo kuwa qalinjebiyay, shaqaalaheeda iyo saaxiibadeed waxa ay la garab istaagaysaa dadkeeda wixii karaankeeda ah oo hiil iyo hooba leh. Deeqdan ayaa waxay gaartay dadkii loogu talagalay weliba sidii ugu wanaagsaneyd waxaana wajiyadooda kamuuqday farxad ay ku faraxsanyihiin deeqdan qiimaha leh ee soo gaartay xilligii loobaahnaa qeybinteediina waxay ku soogabagaboowday sidii loogu talagalay.
jaamacadda muqdisho ayaa waxay utaagantahay sidii bulshada soomaaliyeed ay ugu caawin lahayd marwalba waxyaabaha ay tabayaan ayna ubaahanyihiin waxyaabaha ayqabato waxaa kamid ah sidii loodaryeeli lahaa dadka ay kuyimaadaan waxyaabaha deg dega ee ay kamid yihiin fatahaada wabiyada,cudurada dilaaca xilyadaas sida shubanka,nafaqa darida biyaha nadiifka ah IWM. Jaamacadda muqdisho gudigeeda gurmadka degdega ma ahan markii ugu horeysay ee howlahaan ookale uuka qeybqaato waxaan ka xusi karnaa 2006 fatahaadyadii ka dhacay gobalka shabeelaha dhexe,2011 abaartii ka dhacday gobolada qaarkood iyo 2013 oo ay laba meelood oo ay kakala dhaceen sida gobolada bari iyo shabeelaha dhaxe labada wixii karaankeeda ah ayey ka geysatay.

Cabdinaasir Yuusuf Macalin

Muqdisho,

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag