Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudi Nabadeyn ah oo Maanta Kismaayo looga dhawaaqay ‘Maxey qaban doonaan”

Magaalada Kismayo ee xarunta Jubaland ayaa maanta 03 July,2013 looga dhawaaqay guddi qaabilsan nabadaynta iyo wacyigelinta beelaha Jubooyinka iyo Gedo.
Dagaalo ka dhacay magaalada ayaa dardargeliyay inay odayaasha dhaqanku u istaagaan sidoo loo demin lahaa dabka colaadeed ee dadka wada dega rag dano gaar ah leh ay ka dhex abuureen.

Odayaasha dhaqanka ,haween iyo siyaasiyiin ayuu iskugu jiraa guddigan ka kooban 10-ka xubnood ,waxana gudoominaya Imaam Cabdirashiid Cabdi oo saxaafada kula hadlay magaalada Kismayo.

Waxa uu DF ku edeeyay inay masuul ka tahay dagaaladii ka dhacay todobaadkii tagay magaalada.iyagoona dhanka kale amaanay hawlgalka AMISOM ee Jubooyinka.

Guddigu waxa uu beeniyay in ciidanka Kenya ay duqayn ka qaysteen magaalada ,sidoo kale waxa DF loogu baaqay joojinta dhibaataynta shacabka Jubooyinka.

Xubnaha gudigan ayaa la sheegay inay ku dadaali doonaan sidi loo dhamayn lahaa dhibkii ka dhashay dagaaladii Kismayo islamarkaasina la iska kaashan lahaa sidii aan dhexdooda laga faa’idaysan.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag