Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Guddiga Gurmadka degdega ee Jaamacadda Muqduisho oo sheegay inay lagarab taagan yihiin walaalahooda dhibaataysan waxii karaankooda oo hiil iyo hooba leh

Jaamacadda Muqdisho oo kamid ah Jaamacadi ugu horeyay ee dalkeena laga aas-aasay burburkii kadib ayaa waxay guulo lataaban karo ka gaartay dhanka wax barashada iyadoo hawlo badan bulshada u qabatay.

Maalmahaan waxaa kadhacaya qaybo kamid ah dalkeena fatahaado iyo duufaano xoogan kuwaas oo gaystay dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyadeed.

Munaasabad ay isugu yimaadeen maamulka Jaamacadda, Macalimiinta, Ardayda iyo shaqaalaheeda ayaa 16/11/2013 lagu qabtay xarunta Jaamacadda Muqdisho, kulankan oo ahaa mid tabarrucaad loogu samaynayo dadka ay dhibaatooyinka kasoo gaareen fatahaadyadda webiga iyo duufaanadda oo ka kala dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Xeebaha Puntland. Kulankaan waxaa ugu horayn ka hadlay isagoo qadka taleefanka usoo marinayo isagoo hawlo shaqo dalka dibadiisa ugu maqan guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho Dr. Ali Sheekh Axmed Abuubakar isagoo laga dheehanayi hadaladiisa damqasho uu ka damqanayo musiibadaas ay ku habsatay umadda Soomaaliyeed ee kunool meelahaas ay musiibooyinka ka dhaceen ayuu yiri:

“Burburka ka dhacay waa burbur xoog leh oo aan baryahaan ka dhicin dalkeena maalmahaan oo kale ma aha maalmo lashaqeeyo ama wax kale laqabto qofkasta oo wax haysta waxaa haboon inuu gacan ka gaysto ardayda, hawl wadeenada, macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda waxay diyaar u yihiin in waxii karaankooda ah ay huraan”

waxaa kaloo isagana hadlay Sheekh Cabdul-xayi sheekh Aadam oo kamid ah culimadda Soomaliyeed baranna ka ah Jaamacadda Muqdisho wuxuu bulshadda Soomaaliyeed oo lagu yaqaano deeqsi nimadda iyo wax bixinta ku booriyay inay xoolahooda ay dadkaas kutaageeraan si’uu Illaahay ajar fara badan ugu siiyo isagoo u duceeyay mujtamacaa Soomaaliyeed inuu Ilaahay dhibkaas kadul qaado.

waxaa munaasabadaas isagana hadlay madaxa guddiga gurmadka degdega ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Maxamed Xuseen Ciise (liibaan), wuxuuna sheegay maahmaahdii Soomaliyeed oo oranaysay “ayax tag eelna reeb” duufanadaan iyo biyahan ku dhuftay qaar kamid ah Goboladda Soomaaliya waxay reebi doonaan cuduro badan oo kadhasha iyo dhibaatooyin kale oo fara badan sidaas darteed waa inaan la damqanaa oo aan laduubanaa waxii karaankeena ahna aan u hurnaa.

waxaa isna xafladaas kahadlay kuxigeenka ahna hormuudka kuliyada waxbarashadda ee Jaamacadda Muqdisho Dr. Cabdullaahi Abuubakar Sheekh Xuseen wuxuuna yiri:

“Jaamacadda Muqdisho ma ahan markii ugu horaysay ee ay hawlahaan oo kale qabato wuxuuna u rajeeyay ardaydeeda iyo macalimiinteeda inay isgarab istaagaan oo ay kaalintooda kasoo dhalaalaan”

waxaa baaq ay Jaamacadda soo saartay halkaa ka aqriyay Cabdulqaadir Abuubakar Sheekh Xasan (weeha), xog-hayaha gudiga gurmadka degdega ahna hormuudka kuliyada dhaqaalaha ayaa yiri:

 “Jaamacadda Muqdisho waxay ka tacsiyadaynaysaa dhamaan dhibaatada kadhalatay musiibadaas Illaahayna waxay kabaryaynaa inuu u naxariisto intuu ku dhimatay intii ku dhaawacantayna uu caafiyo hantidii ku baaba’dayna uu kasiiyo badal khayr ah”

Jaamacadda Muqdisho sidii looga bartay iyada oo kaashanaysaa maamulkeeda, macalimiinteeda, ardaydeeda dhigata jaamacadda iyo kuwa ka qalan jibiyay, shaqaalaheeda iyo saaxibadeed waxay lagarab istaagaysaa dadkeeda waxii karaankeeda oo hiil iyo hoobaleh.

BAAQ:

Jaamacadda Muqdisho waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan inta uu Ilaahay wax siiyay iyo guud ahaan shacabka soomaaliyeed in ay si gacan furraan iyo dagdag ah ay uga qaybqaataan gurmadka iyo badbaadinta walaalahooda ku waxyeellobay dhibaatooyinkaa dhacay.

Sidoo kale Jaamacaddu  waxa ay ugu baaqaysa guud ahaan bulshada caalamka iyo gaar ahaan hay’adaha samafalka in ay u gurmadaan dadkan dhibanayaasha ah.

Ugu dambayn Jaamacadda muqdisho waxa ay Ilaahay ka baryaysaa in uu dhibka ka dulqaado guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dadka ku waxyeeloobay daadadka iyo duufaanada ku dhuftay Shabeellaha Dhexe iyo Xeebaha Puntland.

Gudiga gurmadka degdega ee Jaamacadda waxaa lagalasoo xiriirikaraa +252699725228 /+25261-6340111.

Waxaana tabarucaada lagu shubikaraa akoonada hoos ku qoran :

DAHABSHIIL Bank ACC # MUQ-D0008555

SALAAM Bank ACC# 30032889

Evc Plus 616340111

Emaal 699725228

guddiga Gurmadka Degdega ee Jaamacada Muqdishu

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag