Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Golaha wasiirada Soomaaliya ee xukuumadii Badbaado Qaran oo Shirkoodii u danbeeyay maanta yeeshay

Xukuumada uu hor kacayay raysalwasaare Gaas ayaa maanta shirkoodii caadiga ahaa ku yeeshay xafiiska raysal wasaaraha iyaga oo kaga hadlay waxqabadka dawladii ay hogaaminayeen oo haatan wakhtigii kasii dhacayo iyo waliba dadargalinta hawlaha doorashooyinka oo wiiga danbe ka dhacaya magaalada muqdisho tasoo cadayn u  ah guusha taariikhiga ah ee ay gaadhay dawladan Badbaado qaran.

Ugu horeyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay golaha wasiirada in xukuumada badbaado Qaran ay u qabsoomeen waxyaalo faro badan taasna cadaynteeda ay muuqato iyadoo maalmo kadibna ay qabsoomayso doorashadii Madaxweynanimada, arintaasna miraheeda ay leeyihiin dhamaan golaha wasiirada oo wada shaqayn iyo midnimo muujiyey.

Wasiirka Gaashandhiga ahna Ra’isul wasaare ku xigeen ayaa ka warbixiyey guulaha isdaba jooga ah oo ay gaareen ciidamada Qaranka, waxaana uu xusay wasiirku in meel gagabo ah ay marayaan howl galadii ka socday Gobolada Jubooyinka, Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in aad loo adkeeyey amniga  caasimada si looga hortago wixii khalkhal galin kara doorashada madaxweynanimada ee dhacaysa 10 bishaan aan ku jirno.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa kula dar daarmay in la sii wado wada shaqayntii ka dhaxaysay Golaha wasiirada kadib doorashada madaxweynaha waxuun sheegay Ra’iisul wasaarhuhu inay muhiim tahay in la dar-dargaliyo howlihii loo hayey qaranka inta laga soo dhisayo xukuumad cusub oo la wareegta shaqada hada hortaala golaha wasiirada

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag