Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Golaha sare ee Dhaqanka Khaatumo oo go’aan ka soo saaray Deegaanka Geed Xamarka oo Labo Beeleed ku Muransanaayeen Shalay

Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo.

                                                                                                                                                                    

Ujeedo: Gudoon Gole.                                                                                                                  07.01.2013.

 

Kadib markaanu u kuurgalnay xurguftii deegaan ee soo kala dhexgashay labada beelood ee walaalaha ah (Guuleed Garaad iyo Cali-geri Axmed).

Markaaanu xogaysanay gudigii reer Caymeed ee arinta hore u gashay.

Markaanu dhagaysanay labada beelood.

Markaanu tixgalinay wada-lahaanshaha  deegaanka.

Markaaanu eegnay halganka Dhulbahante ku jiro iyo baahida loo qabo midnimada.

Markaanu ognahay colaada maamulada Somaliland iyo Puntland ka hurinayaan Dhulbahante dhexdiisa.

Markaanu tixgalinay wada-noolaanshaha labada beelood iyo mustaqbalka dambe.

 

Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo waxay gudoomiyen:

  1. In Dhulbahante dalka wada leeyahay.
  2. In ilaalinta dalka Dhulbahante ay tahay masuuliyad wadareed saaran dhamaan tolka Dhulbahante.
  3. In labada beelood ee Guuleed Garaad iyo Cali-geri Axmed kala yagleelaan labo magaalo.
  4. In labadaa magaalo ay isu jiraan ugu yaraan 4 Km.
  5. In tolwaynaha Dhulbahante ay labadaa magaalo ladagaan labadaa beelood.

 

WabiLaahi Towfiiq.

Gudiga Golaha sare ee dhaqanka Khaatumo.

  1. Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac.
  2. Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil.
  3. Suldaan Siciid Cismaan Cali.
  4. Garaad Saleebaan buraale Ow Aadan

Ka Rogo Go’aadnka PDF kaa Goaankii Golaha Khaatumo ee khuseeyay Guuleed Garaad iyo Cali geri

Cali Cismaan Yuusuf(CaliDhagjar)

Dandan

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag