Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gerenal Morgan oo Lagu Wareystey Madasha#60 iyo Cali Xaraare oo Su’aalo Xasaasi Weydiiyey “Ciil Iyo Murugo Waxaa iigu Filan Waxqabad la’aanta Dowlada”

Jeneral  Moorgan ayaa kahadlay sida uu u arko maamulka Jubaland, isaga oo faahfaahiyay sababaha u dagaalka uga galay deegaanada Jubooyinka. Jeneralka ayaa ku tilmaamay siyaasada Soomaaliya ay ku galingalimaysatay dalka dalkuna uusan siyaasad ahaan  xor u ahayn in madaxda Soomaaliyeed siyaasadooda ku hogaamiyaan dalkooda.

Dhagayso: Waraysigii Madasha 60-ka ee Jen. Maxamed Siciid Xirsi Moorgan 03-27-2015

Jeneral Moorgan ayaa si cad u yidhi dawladaha Dariska raali kama aha in ay soo noqoto awoodii Soomaaliya taasaa loo diidan yahay in ay soo noqoto Adoodii ciidan ee Soomaaliya. Jeneralka ayaa si cad u qeexay inaysan ciidamada Soomaaliya aysan ahayn kuwo lagu tilmaami karo ciidamo qaran balse ay yihiin ciidamo qabiil.

Jeneraalka ayaa ku guubaabiyay Aqoonyahanada Soomaaliyeed inay isku yimaadaan oo dalkooda u taliyaan oo isku duubmaan  oo lagu midoobo magac Soomaaliyeed dalkana wax laga wadaqabto si wadanka looga saaro  dhibaatada uu ku jiro.

Janaral Moorgan ayaa tilmaamay in loo baahan yahay Hogaan aan Lacag, Qabiil, shisheeye kalkaalnimo loogu dooran hogaanka Dalka. Isaga oo ku booriyay Soomaalida in ladoonayo in 25 sano oo kale ladoonayo in laga lumiyo dalka iyo dadka arintaana lagaga hor tagi karo in loo midoobo arimaha dalka lagu midoobo Soomaalinimo.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply