Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

General C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartag oo ka hadlay weerarkii Yasiin Radaal

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland General C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartag ayaa ka hadlay shaqaaqooyinkii ka dhacay degmada Kismaayo taasoo ay ku dhinteen rag ka tirsan ciidamada Raaskambooni iyo qaarka mid ah ciidamada dowlada Soomaaliya, kadib markii la dhaawacay Col, Yaasiin Raadeer.

Gen, Abdilaahi Fartaag ayaa  ku sheegay dhaawaca Col, Yaasiin Raadeer mid la soo abaabulay balse aan u fulin sidii loogu talogalay. Isagoona  si cad u sheegin cida soo abaabushay  magacooda.

” Warka sida loo buunbuuniyey ma ahan. Col, Yaasin Raadeer waxaa uu saaka u tagay ciidamo ka tirsan maamulka oo gadoodsanaa, isaga oo ciidankaasi qancinaya ayaana falkaasi lagu dhaawacay lagu fuliyey kaasi oo aan noqon sidii ay la rabeen. Waana la soconaa meesha laga soo abaabulay. ” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Gen, Abdilaahi Fartaag.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay in kuwii dhaawacay Col, Yaasiin Raadeer dhawaan gacanta kusoo dhigi doonaan, islamarkaana ay dhawaan soo bandhigi doonaan kuwii ka danbeeyey falkaasi ee soo adeegsaday.

‘ Warka fidnawadayaasha, beenaalayaasha, isku dirayaasha, dagaal abuurayaasha  ee doonaya in Kismaayo dagaal ka dhaco  waxaan leeyahay sida aad rabteen idin noqon meyso maamulkana waa ka feejigan yahay waxa aad wadaan ” ayuu si caro ka muuqato u yiri Gen, Fartaag.

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubaland ee shirkii kismaayo lagu doortay  Fartaag ayaa waxaa uu sheegay in Col, Yaasiin Raadeer uu afkiisa ku hadlayey markii loo qaadayey magaalada Nairobi,isagoona inoo sharaxay ayuu yiri sida wax u dhaceen. Taasina ay meesha ka saari doono sida wararka loo dhaho ee ku saabsan dhaawiciisa.

” Waxaa alle mahadiis ah in Col, Yaasiin Raadeer uu dhaawac fudud qabo, islamarkaana uu afkiisa inooga sharaxay sida wax u dhaceen. Marka waxaan leeyahay dadka degan Kismaayo is dejiya oo la socda sida beenta loo faafiyey uma dhicin dhaawaca Yaasiin Raadeer.”

Askarta geysatay dhaawaca Col, Yaasiin Raadeer oo la yaqaan xerada iyo ciidanka ay sida gaar ah uga tirsan yihiin ayaa haddana waxaan ilaa hadda jirin in gacanata lagu soo qabto. Iyaddoona lagu murmayo inay laba askari midkood uu xabada dhaawaca geysatay uu riday.

Gen, Abdilaahi Fartaag oo ah Madaxweyne ku xigeenka Jubaland ayaa isaga laftiisa sanadkii 2007 sidan oo kale isaga oo la hadlayey dadweyne iyo ciidan isugu soo baxay beerta Xoriyada ee Kismaayo ayaa qarax lala beegtay uu si xun ugu dhaawacmay.

Magaalada Kismaayo ayaa hadda  degan , iyaddoona ay gebi ahaan wada joogsadeen rasaastii ay is dhaafsanayeen ciidamo kala duwan.  Waxaana  ilaa hadda dagaalkaasi maanta dhacay kadib dhaawaca Col, Yaasiin Raadeer ku dhintay 4 qof, halka uu dhaawaca intaasi ka badan yahay.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag