Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Geel Ninkii Lahaa Dhacayo See Loo Dhicin Karaa ?

Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Somalida oraahahoodo inta badan waxay ku fadhiyaan xikmad aad iyo aad mucjiso u ah, markaad eegto cinwaanka waa oraah Somaliyeed runtiina loo adeegsan karo wajiyo badan. Shacab waddankay iyagu lahaayeen burburinaya oo aan doonayn inay kabaxaan dhibaatadaan sanooyinka badan saarnayd yaa ka maara heli karo?

Xikmad badane hore ayaa laga sheegay “hasheereey maankayga gadaye ma miinshaar baad laqday”… haataan Somaliyeey maankaygii gaddee ma carro Rabbaa idinku dhacday!!!… Shacab dhan oo kii tuugga ahaa oo ay wada garanayeen daba istaagaya oo dartiis isu laynaya, iyagoo og khaa’inimada iyo mardadaanimada uu ku wado ama u gaysanayo… bal shacab aan doonayn kii daacadda ahaa oo har iyo habeen u heelanaa siday dhibta haysata uga bixi lahaayeen hog dheer u qodaya oo madaxa kaliyihi kasoo jeedo itaal la’aanna la ildaran!!!…

Bal shacab hab dhaqamood kooda iyo degaan ahaan siday u kala degaan yaqaan oo haddana iska indha tiraya oo boob iyo dhac bareera ah doonaya in lagu garab siiyo, oo haddii laga yeeli waayo baahinaya in xaqoodii la duudsiyey… waa mucjisee bal dad boob iyo dhac ku samaynaya dad shacab ah oo doonayo in xaqoodii ay duudsiyaan, oo dadkii falkaa ku kacayey qaylinayaan iyagoo warbaahinaha adeegsanaya maqal iyo muuqaal ahaan Radiye iyo webebba… waa halka oraahda kale Somalidu ka tiraahdo “ hasha geela cunta oo haddana cabaada”…!!!

Bal masuuliyiin dhan oo loo dhaariyey inay umad dhan cadaalad u sameeyaan, oo maalintaa ay dhaarta mareen intii ka danbaysa ku dhaqaaqaya siday sad bursi ku heli lahaayeen, iyaga iyo inta ka agdhow oo iyagana xataa kitaab dhaar ah lagu duugay… waa madaxwayne waa wasiiro waa xildhibaano kulli waxay dhaar ku mareen inay waajibaadka loo idmaday siday tahay u gutaan, haddana xaajadoodii waxay noqotay in la tosho jeebab ka waawayn jawaano oo haddana dabada ka daloola oo wax buuxin karaa jirin mucjiso…!!!!

Waxaa intaas kasii daran shacabkii duulkaasi u dhaarteen inay u cadaalad sameeyaan oo ay khayaamada ugu bedeleen ayaa haddana iyagii is rifaya oo aan marna eegayn duulkaan xaqoodii gurubsanaya, iskabadaa inay eegaane waxay u kala tartamayaan xaqoodii la cunayey inay ku taageeraan waraabayaashii aan u naxayn ee ku dulnoolaa…!!!

Layaabka ugu wayn ee kale, bal shacab dhan oo dhashoodii ilaa uurka markay ku jireen ilaa ay ka hanaqaadeen korinayey oo markii ay madaxa keeneen muquuninaya(Sacrifice) oo xabadda isugu dhiibaya oo markaa ku faanaya wiilashoodii ay soo barbaarsheen intii ka dhimatay dhinac kasta labada dhan ee ay qoryaha isugu dhiibeen, maanay ubadkoodii ahayn waxaan ay geeridooda ku faanayaan iyagoo leh reer hebel ama maamul hebel intaas baan ka dilnay…!!!

Ogoobeey waxyaabihii ugu horeeyey oo ibnu Aadam malaa’igtu ku canbaaraysay waxaa ka mid ahaa duul dhiig daadinaya oo adduunyada fasahaadinaya… waxay ku kacayaan shacabkaan Somalida ahi maanay ahayn canbaarayntaa loosoo jeediyey… fasahaadka iyo dhiig daadintu soo maaha waxa Rabbigeena Caadilka ahi inagu amray inaynaan samayn oo waliba inoo raacshay sheekooyinkii duulashii inaga horeeyey iyo cawaaqibtay mutaysteen…

Marka shacabyahow Somaliyeed soo ma cadda inaad Allah swtc ka mutaysateen inuu idiin caroodo… duul Rabbi caro ka kasbadaa liibaan ma helaan… waana xaqiiq ee hadal iska dheh ah maaha Kitaabka Quraanka barakaysan ee Allah ina siiyey ayeey ku caddahay…

Ogoobey haddaydaan dulmiga, dayn darari maysaane,
Ogoobey haddaydaan daacad noqon, dagiba maysaane,
Ogoobey haddaad diiddaan, waanadaa dayacu wuu faafi,

Oo hal iga dardaarana shacaboow, debinta maan saaro,
War diifta aad wada qabtaan, daaya oo dhinac isu wada raaca,
haddii kale dawlada kale, dantooda u wada fushoo dulli kunoolaada…

Wa Billaahi Tawfiiq

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad Ciiltire

Email: Guurey@hotmail.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply