Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Garaad Abshir Saalax oo Sweden ku geeriyoodey.

 

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

”KULU NAFSIN DAA’IQATUL MOOTI”

Waxa goordhawayd dalka Sweden ku geeriyoodey Garaad Abshir Salaax Maxamed oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka Khaatumo. Garaad Abshir ayaa in mudo ahba ku xanuunsanayey hospital ku yaala magaalada Stockhom ee caasimada dalka Sweden. Maxamud Maxamed Cali Ayax oo ka mid ah ehelada Garaadka  ayaa shabakada Ceegaag.com  u xaqiijiyay geerida Garaad Abshir.

Geerida Garaad Abshir ayaa si weyn looga dareemay dalka Soomaaliya waxayna geerida Garaadka si gaar ahaaneed u taabatay bulshada reer Khaatumo meelkastooy joogaanba.

Waxaa Tacsi nasoo gaadhsiiyay Madaxweynaha hay’adda SCERDO C/qafaar Cali Wadaad (Xaaji), Dr. Cali Cawl Xuseen iyo xaaskiisa & caruurtooda, General Maxamed Cali Abokor (J.Qowle), Jamaal Xaaji Cali, Caynaanshe C/raxmaan Abkey, Liibaan Fiin, Xildhibaan C/laahi Xasan Dhooble Abdifatax Aaden Isxaaq, Mohamed C/llaahi Qoorleex, Yasiin Maxamed Awalle, Col. Cawil Axmed Xirsi, Abdulkadir Kaarshe iyo Khaalid Saalax Maxamed Lacle  iyagoo tacsi u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshoweynta Khaatumo iyo Eheladii Garaad Abshir waxayna ILLAAHAY uga baryaya inuu naxariistii janno kawaraabiyo  AAMIIN…

Sidoo kale Dhamaan Bahda Ceegaag.com Ayaa tacsi u diraya qoyskii iyo qaraabadii iyo waliba shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Garaad Abshir Saalax waxaanan leenahay Samir iyo Iimaan ilaahay ha idinka siiyo Marxuumkana Janadii Fardowso Alle ha kawaraabiyo. AAMIIN.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply