Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gacan ku Dhiiglayashii Ka Dambeeyay Dilkii Saado Cali iyo Masuuliyiin kale oo Maanta Diltoogasho Lagu Fuliyay

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Shuceyb Ibraahim Mahdi iyo Faarax Cali Cabdi oo ka dambeeyay dilal dhowr ah oo loo geystay shacab iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Saraakiisha Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa horey u balan qaaday in xukunno dil ah lagu fulin doono maleeshiyaadka iyo horjoogayaasha kooxda UGUS, kuwaasi oo dhibaato ku haya bulshada Soomaaliyeed.

6-dii April ayay ahayd markii maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ay Shuceyb Ibraahim Mahdi oo 37 jir ah iyo  Faarax Cali Cabdi oo 30 sano jir ah Maxkamadda ku riday xukun dil ah, markii xeer ilaalinta Qaranka ay ku soo eedeysay dilal dhowr ah oo ay ka fuliyeen Muqdisho iyo ka mid ahaanshiyaha ururka Gumaadka Ummadda Soomaaliyeed ee UGUS.

Xeer ilaalinta Maxkamadda ciidanka qalabka sida  ayaa ku eedeysay raggan maanta xukunka dilka ah lagu fuliyay inay horey u dileen:-

Ex-Xildhibaan Saado Cali Warsame

Ex-Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xayd

Ex-Xildhibaan Aadan Maxamed Cali “ Sheekh Aadan Maddeer”

Axmed Odawaa Baale oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda Qaranka.

Maxamed Axmed Maxamed “ Qaanuuni” oo ka tirsanaa hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply