Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gabdhaha Horseed oo ku guuleystey Koob lagu maamusay ka hortaga xad gudubyada haweenka “SAWIRRO”

Wasaaradda adeega Bulshada,waaxdeedii sportiga iyo dhalinyarada oo kaashaneysa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa waxaa ay koob dhex dhigtay gabdhaha Kubadda Koleyga ee Horseed iyo Shabeelle,kaasi oo lagu maamuusayey joojinta xadgudubyada haweenka loo geeysto.

Tartankii kubadda koleyga ee  u dhexeeyey labadaasi kooxood ee gabdhaha Horseed iyo Shabeelle ayaa waxaa uu ka dhacay garoonka kubadda koleyga ee WIISH Stadium Ex-lugino degmada C/casiis ee G/banaadir waxaana kasoo qeybgaley Madax ka socotay wasaaradda adeega,qeybteeda Sportiga,Gudiga Olombikada,Xiriirka Kubadda Koleyga,Ciyaartoydii hore wiilal iyo gabdho iyo taageerayaal.

Ciyaarta ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis,iyadoo kooxda Horseed ay kamid yihiin kooxaha dhinaca Gabdhaha ah ee u diiwaan gashan XSKK, halka kooxda kale ee ku ciyaareysay magaca Shabeelle ay u badnaayeen gabdho da’yar oo leysku dhafay,kuwaasi oo mustaqbal wanaagsan ku leh ciyaarta Kubadda koleyga.

Daqiiqadihii loogu talogaley ciyaarta ayaa waxaa ay kusoo dhamaatay 36-dhibic oo ay keensadeen gabdhaha Horseed halka kuwa Shabeelle ay layimaadeen 32-dhibic,sidaasina kooxda gabdhaha Horseed ayaa 2 jeesto ku qaadey koobkii loogu talo galey ka hortaga xadgudubyada Haweenka.

Gabogabadii waxaa halkaasi ka Hadley kaaliyaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdullaahi Baasaalle oo si weeyn ugu mahadceliyey wasaaradda adeega waxdeeda Dhalinyarada iyo Sportiga,isagoo xusey in XSKK ay marwalba taageerayaan qabashada tartamada lagu maamuusayo munaasabadaha gaar ah.

Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) oo ka tirsan Gudiga Olombikada ee GOS ayaa halkaasi si weeyn ugu amaanay labada kooxood oo soo bandhigey ciyaar farsamo leh,waxaana uu sidoo kale xusey in gudiga Olombikada si weeyn uga horjeedo Xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka Soomaaliyeed.

“Koobkani waxaa uu ahaa mid loo baahnaa in la qabto,waxaana aad ugu mahadcelineynaa wasaaradda Adeega waaxdeeda Sportiga ee soo abaabushey iyo XSKK iyo dhamaan kasoo qeybgalayaasha”ayuu yiri.

Ugu dambeyntii waxaa halkaasi ka Hadley Agaasimaha waaxda Dhalinyarada iyo Sportiga ee wasaaradda Horumarinta,adeega Bulshada Saacid Maxamed Baariyoow isagoo labada kooxood,ku amaanay asluub iyo ciyaar wanaag,waxaana uu intaa ku darey in xadgudubka haweenka ay tahay wax reeban,taasina ay ku qasabtay inay Sportiga ugu gudbiyaan fariin qeybaha arintaasi ku howlan iyo bulshada Soomaaliyeed.

Agaasimaha ayaa waxaa uu koobkii lagu maamusayey joojinta Xadgudubka Haweenka gudoonsiiyey kooxda Gabdhaha Ciidamada Qalabka Sida ee Horseed gaar ahaan kabtankooda.

Daawashada ciyaartaasi ayaa waxaa dadkii kasoo qeybgalay ku jirey,Agaasimaha Waaxda Sportiga Saacid Maxamed Cabdi (Baariyow) Xubin GOS Ibraahim Xuseen Cali (Roombo) Ku-simaha gudoomiyaha XSKK Cali Xasan Cali,Gudoomiyaha Garsoorayaasha XSKK Saacid Axmed Abuukar,Kaaliyaha Xoghayaha XSKK Cabdi Cabdullaah Baasaalle,Xubin XSKK Dr Abba Nuur Maxamed Abba Nuur iyo qaar kale.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag