Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gabay uu curiyay Caawa Farxaan Salwe kadib markii Face-Buuga lagu caayay

Caawo oo taariikhdu tahay 19/05/15
Ayay igu dhalayay tixdani markii nin face book ga mujaahid halgamaaya ka ihi igu caayay waxbaan xoraynayaa adna daba dhilifbaadtahay isagoon fahminba waxaan ka hadlayo akhris wacan

Tixdii (gobanimo)

Gudcurdumay habeenkoo gamyidhi gelindhexaad rooba

Gabadano gabaayoox dhaxani gawda kugu hayso
guuraha ninkii geesiyaa gaade soogala e galabnimo qaxwaha goobahaa la isku soo guulo
Garta iyo warmaha laysku gano goobta falanqaynta
garbasiman giraamahan warkiyo wababkan gaajaysan
Geeldhicinta gogoshoon fadhiga laga gadoomaynin
gantaalahan afkuun laga ridiyo gumacan qiiqaaya

Guul laguma helo weerar aan laga geyoonane gobanimo ninkii doonayoow geeribaa imane

gumuc iyo rasaas baa laridi oo la ganayaaye

gadhka xididadaa laysku jari geesigaa rida e

Gaaf iyo sidii aad aroos galab ka tookhayso gooso oo qorshuhu yaanunoqon waan gelbinayaaye

Gudbiyoo gorfee tobankan qodob gaarna ugu fiirso!

Sida goray haldhaa waa inaad gooni socotaaye
Gasho oo qalbiga guulmada ah gooni ugu yeedhi

Goblan hooyadaa waa inay gegi ka oydaaye
Gaaridaad qabtaa waa inay gabadanootaaye
Gambadii cadayd waa inay guudka sudhataaye
Guryo ba ay gabaahiir cidla goobxun iyo weerar
Gadgadoon garkaa iyo garkaa la isla guulmaayo
Gelin hore lib kuusoogashoo galabtii aadwaydo
Iyo goosan adhi weere galay gobol rag aadwaydo
Gaadiid mid guuxiyo gamaan gacani kaa qaado
Gurmad iyo galaayuus sidii galawga yeedhaaya
Gooraanka iyo dhaawacaa geeskastaba yaala
Guul iyo inaad geeriyoon oo is garabyaala
Goolmani haraad gawriciyo gaajo iyo baahi
Gedaasaa xoriyad loo galaa laguna goobaaye
Goolaaftan face book intaa lala dhex gooshaayo
Gefka iyo anaa geesiyiyo waan ku gelayaada
Garaw li i guntoon hadalka qaar laga garaacaynin
Gabgabtiyo goaad tuuraysee aan gabada joogin
Saw inaan ka gudubnaa mar uun nala geyaan maaha???

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply