Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Furitaankii Xaflada, Qudbadihii Golaha Dacwada iyo Suugaantii ee reer Boston ku taageereen dawlada cusub ee Soomaaliya.

 

Xaflada waxaa Aqriska Ayaadaha Quraanka Kariimka   ah ku furay Sh. Cabdulaahi Afgaab

 

 

 

Waxaa Xaflada  Furay  Odayga Ugu Jecel midnimada Soomaalida iyo wada jirkooda magaalada Boston Cabdulaahi Gurxan, oo sidii caada u ahayd u mahad celiyay qaban qaabiyayaasha Xaflada siiba Haweenka.

 

Waxaa goobta loo is taagay Astaanta Heesta Calanka  ’Soomaaliyay Toosoo’

 

Waxaa madasha la wareegay  Hagaamiyeyaasha Dacwada

 

Sheekh Cabdulaahi Canshuur ayaa isagu xasuusiyay dadka inay carabkooda dhexdooda inay isga ilaaliyaan dawlada ay carabka dalabta leh laga ilaaliyo.

Madaxa Masaajidga Alrawda Kheekh Maxamed Fawsi ayaa isagu ka hadlay muhiimada ay leedahay in la adeeco Madaxda.

 

Dr. Al-qaari: Maxamed Sheekh Ibraahim ayaa dawlada kula taliyay inay la timaado dawlad wanaag isaga oo yidhi boosaska siyaasada halagu bixiyo 4.5 ileeen wali maynaan bogsanina, balse boosaska khibrada u baahan waa in loo xulaa dad u fara dhuudhuuban…

Madaxa Al-khadiija Islamic School Sheekh Cabdul xayi, oo isna ku guubaabiyay inay Soomaalidu ka faa’iideesato waxa ka liya ee aan khaaska u leenahay, ee ah martisoorka oo aynu uga faa’ideesano in aynu wanaagaa ilaahay Soomaalida ku barakeeyay, ugu danbayna ku tirtirsiiyay in loo duceeye dawlada Soomaaliya. Tiiha Shacabka iyo wax yaabe kale oo badan.

 

Waxaa Soo afmeeray wacdiga iyo waanadii  sheekha magaalada Boston Sheekh Yuusuf Cabdala. Sadex arimood Qalbigeenu cidhiidhi ma galayo hadii nalaga helo, 1. ILaahay oo camalka loo barax tiro. 2. Daacad nimo, Iyo waanada dadka oo la badiyo. 3. Dadka wanaagsan inuu taladooda qaato.

Waxaa Xaflada laga soo jeediyay Gabyo, Buraanbur iyo waliba Heeso lagusoo dhaweenayay dawlada cusub ee Soomaaliya,

Gabaygii Khadro Khaliif ay kula dardaarantay dawlada cusub ee Soomaaliya

Buraanburkii Dahabo ee ay kula dardaarantay dawlada cusub ee Soomaaliya

Gabaygii ay Safiyo Qooje ay kula dardaarantay dawlada cusub ee Soomaaliya

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply