Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Fanaan Ahmed Gaashaale oo Wacdaro Kadhigey Fankiisa kusaabsan Madasha#60 “Kooxda TALEEX BAND anigaa lahaa fikirkeeda

Fanaan Ahmed Abdi (Ahmed Gaashaanle) isla markaasna lagu naaneyso (Ahmed yare) ama (Ahmed Garre) sidoo kalena kamid ah fanaaniinta Soomaaliyeed kuwa ugu codka halaasiga ah leh. kana mid ah fanaaniita North America kuwa ugu caansan ahna xidiga kooxda TALEEX BAND isagoo isla markaasna ah shakhsigii ey kasoo maaxatey maskaxdiisa fikirka Magaca kooxda TALEEX BAND iyo indhidhibada lootaago kooxdaas iyadoo ujeedka kooxda TALEEX BAND ey aheyd in laga habaqtiro bulshada soomaaliyeed baahida fanka ayaa wuxuu waraysi Xiiso badan Siiyey barnaamirka fanka iyo suugaanta ee kabaxa habeenka Sabtida ah Madasha #60, oo ah goob lagu Gorfooyo Siyaasada, Dhaqanka, iyo arimaha bulshada Soomaaliya, Laguna waraysto Siyaasiyiin, abwaanada iyo Fanaaniita caan ka ah guud ahaan dalka Soomaaliya.

Hadaba waxaa xog wareysigaan muhiimka ah layeeshey daadihiyaha barnaajirka fanka iyo suugaanta Ibraahim Shire (Libax backurite) isagoo Fanaan Ahmed Gaashaanle kacodsadey in uu heesaha badan ey uu qaadey, sida kuwa jacelka ah, heesaha talantaaliga ah, kuwa wadaniga ama dhiiro gelinta ah mid walba dul istaago kana waramo dareenka ey hees walba xambaarsantahey  sidoo kalena miradooha uu kuluuqeeyo si dadka somaliyeed ey u dhuuxaan ujeedada hees walba.

Sidoo kale Fanaan Ahmed Gaashaanle ayaa wuxuu qaadaa dhigeyqaabkii uu usameeyey iyo sida uu Kudoortey Magaca kooxda TALEEX BAND oo uu sheegey in magaalda taleex iyo magaceyduba yahey xasuus iyo taariikh muhiim ah sidaas darteydna uu ugu xushey magacaas. Fanaan ahmed Gaashaanle ayaan mar uu kahadlayey cida fanka (role Model) ama tusaale ugu ah oo xiiseynaa fankiisa ayaa wuxuu sooqaatey fanaanka weyn ABDIQADIR JUBA uu yahey fanaakii uu ku dayan jirey intuusan fanaanka noqonin. wuxuuna kaloo fanaan Ahmed Gaashaanle xusey AUN marxuum MAXAMED SALEYBAN TUUBEEC uu ahaa fanaanka kaliya ee mar la’arg ah isla markaana eeysan jirin cid badali karta dhinac walba oo eey noqoto sidaas uu kulahaa magaca ama (title) ka ah BOQORKA CODKA cid kadambeysana eeysan macquul aheyn ineey magacaas qaataan.

Fanaan ahmed oo kajawaabayey su’aal aheyd siduu hada u arko fanka soomaaliyeed ayuu wuxuu kashanqariyey jawaab eey dadkii Madasha#60 habeenkaas kadhageysanayey eey aad iyo aad ula yaabeeyn taas oo aheyd markuu Fanaanku kusifeeyey in waqtigaan uu noqdey fanka soomaliyeed BILILIQO oo uu qofwalba meel kasoo galey marka loo fiiriyana fanka soomaaliyeed uu yahey hada sida BARLAMAANKA SOOMAALIYA sida 4.5 oo kale.

Fanaan Ahmed yare ayaa habeenkaas wacdaro kadhigey Mashada#60 kadib markii uu kuluuqeeyey heesihiisa qaar kamid ah kuwa ugu dareenka badan bulshada Soomaaliyeedna ey ugu jecelyihiin sida: MASAFO, DAREEN, GOBAAD, DHOOF, iyo qaar kaloo badan.

Halkaan kadhageyso wareysiga fanaan Ahmed Gaashaanle adigaa qosli doona.

 

Asadnaa Suudi

Madasha 60-ka

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply