Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faahfaahin ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Afaafka hore ee Hoteel Jasiira

labo qarax oo loo adeegsaday gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa xalay ka dhacay afaafka hore hoteel ku yaalla caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo dilay ugu yaraan 11 qof.

Qaraxyada waxaa lala eegtay hoteelka Jazeera oo ah goob ay ku badan yihiin siyaasiyiinta Soomaalida iyo dadka ajnebiga ah.

Wararka waxay sheegayaan in qaraxyada kaddib la is waydaarsaday rasaas xooggan oo u dhaxeysay ciidanka ammaanka iyo kooxdii weerarka soo qaadday.

Xarakada Al-Shabaab, oo laga saaray Muqdisho sanadkii 2011, ayaa sheegtay inay iyadu qaadday weerarka.

Al-Shabaab waxay wali ka talisaa deegaanno badan oo ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Soomaliya, waxayna sii waddaa weerarro ay ka gaysanayso caasimadda.

Afar xubnood oo ka tirsanaa ciidanka ammaanka ayaa ka mid ahaa dadka dhintay, oo uu ku jiray sarkaal sare.

Hoteel Jazeera oo ku yaalla meel u dhow garoonka diyaaradaha waxaa kaloo la bar-tilmaameedsaday December 2012, xilli madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu halkaas ku sugnaa. Ugu yaraan toddob qof ayaa ku dhimatay weerarkaas.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ugu yaraan 11 qof, oo ay ku jiraan lix askari, ayaa lagu dilay bambada meelaha fog laga hago oo lagu aasay maqaayad ku taalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir

Ceegaag Online

kismayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply