Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Faah Faahino Kismaayo: Goobihii ganacsiga ahaa oo xiran iyo Dhamaan Ciidamadii maamulka Jubbland oo Magalada laga saray….

Waxaa magalada kismaayo ka socda hawlgalo lagu aruurinay cidamamada maamulka JubbLand.

Kadib falal iskugu jira dhac iyo dilal oo ay geesteen qaar ku labisan dareeska ciidmada juubbland oo ay kula dhaqaaqeen shacabka magaalada Kismaayo,  Waxa ay madaxda iyo saraakiisha Maamulka Jubbland saxafada u sheegeen in aysan geesan geesan falkan cidamadoodda.

Waxaa malintii khamiistii ahayd laqabtay Shir oo looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Amni ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa shir guddoominayay Madaxweyne ku xigeynka koobaad ee maamulka Jubbaland Gen: Cabdulaahi Ismaaciil Farataag, waxaana intii uu shirkaan socday diirada lagu saaray qodobo ay kamid yihiin in Ciidamad tirada badan ee ku suggan gudaha magaalada Kismaayo laga saaro magaalada, in amaanka magaalada oo aan sidii la rabay ahayn la xaqiijyo iyadoo loo sameynayo Ciidamo gaar oo amaanka loogu talagay iyo sidoo kale la difaaco hantida dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Kismaayo.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen laamaha Garsoorka maamulka gobbolka iyo kan degmada Kismaayo ayan sidoo kale qodobadii shirkaasi ka soo baxay waxaa kamid ahaa in askarigii lagu arko isagoo shacabka ku dhibaateynaya  gudaha magaalada Kismaayo maxkamad la soo taagi doono.

Sidoo kale waxaa manta magaalda Kismaayo Goobihii Ganacsiga, Shirkadihii isgaarsiinta iyo Xawilaadaha, sababtoo ah waxaa waxa ay arkeen dhib badan ay ku hayaan Raga ku labisan direeska ciidamada Jubbland.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal amaanka lidi ku ah kuwaasoo isugu jira dilal, qaraxyo miino iyo falal kale, inkastoo maamulka jubbaland uu sheego inuu wax ka qabam doono amaanka magaalada, waxa ay manta u muuqataa in ay ka dhabeyeen wax yaabihii ay horay u balanqaadeen Maamulka .

Kismayo-Somalia

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag