Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dulmiga Dahsoon Dhibkii Garay Saynab Subciyow iyo sidii dhulkeeda loo boobay “Tarsan ayaa siiyay Abuukar Cumar Cadaan’

Maamo.Seynab Maxamed Maxamud “Subciyoow” oo ah Hooyo Soomaaliyeed dulman oo u hadashay qoysas si sharci daro dhul ballaaran oo ku yaal degmada Shibis, gaar ahaan Isgoyska Sanca uu xoog ugu qaatay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan, iyadoo ku eedeysay in uu boob ku haayo hantidooda, Dowladda Federaalkana ay ka gaabisay wax ka qabashada cabashadooda, xili ay koox wariyeyaal ah usoo bandhigtay caddeymo muujinaayo milkiyada dhulkaasi oo ku taariikheysan sanadkii 1963-kii.

hooyo.Seynab Subciyoow ayaa sheegtay in maamulkii hore ee gobolka Banaadir oo uu madaxda ka ahaa Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ilaa iminka soo socotay dacwadooda, iyadoo aysan jirin cid wax ka qabatay, isla markaana Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan ay ku eedeysay in uu ku doodayo in milkiyada dhulkaasi sheeganayo isla markaana maamulkii hore ee Tarsan uu ogolaansho ugu haysto. Taaasina ay tahay mid sharci daro, in la dafiro xaqiiqda jirta iyo sharciyada dhulkaasi ay u haystaan oo ah mid ku taariikheysan maamulkii Gumeystihii Talyaaniga iyo Dowladdii Kacaanka.

Waxay sheegtay in hantadaad iyo caga jugleyn fara badan ay kala kulmeen koox gaar ah oo ay horkacayaan reer Abuukar cumar Caddaan, oo dhibaato jirdil ah ay u geysteen Seynab Subciyoow xili ay ku hor bannaanbaxaysay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, halkaasi oo uu Ganacsade Maxamuud Cumar Caddaan oo walaalo ay yihiin Abuukar Cumar Caddaan uu madaxa kaga garaacay Bastoolad, kuna amray in ay joojiyaan dibadbaxa cabashada ah.

“Waxaanu nahay dad la dulmiyay, oo hantidooda la qaatay, maanta waxaana ka war dhowreynaa Madaxda Soomaaliyeed iyo 275 Xildhibaan ee u dhaartay inay shacabkooda si caddaalad ah ugu adeegayaan, in ay hantideena nooga dhiciyaan Ganacsade abuukar cumar caddaan oo awood inoo sheegtay”ayey si murugo leh u tiri Hooyo Seynab Subciyoow oo sheegtay in 51 sano kadib in maanta la soo sheegto dhulkooda ay qeyb ka tahay dhaca iyo boobka Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan uu bulshada ku haayo, iyadoo codsatay in caddaalada la horkeeno.

ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply