Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dr. Cali Ciise Cabdi ma Puntland buu Khaatumaynayaa?

Waxaan is weysiiyey goormuu Cali Ciise Puntland noqday? Waxaan is weydiiyey qadiyadii bardaha Khaatumo shacabkii naf iyo maal ba waxay ku bixiyeen muxuu ku bedeshay??
Waxaan kaloo isweydiiyey dadkii reer SSC ee ay puntland kala boodeen ee maanta cali ciise soo dhaweynayaa hankoodu ma kursi uun buu ahaa? Waxaan jawaab aan u helay oo aan ku qancay inaan Cali Ciise ku taageeero dhawr arimood.

  1. Waxaa iisoo baxday sababta Puntland loo dhisayba iney tahay in dawlad Soomaaliyeed lagu raadiyo, weyna raadisey weyna ku guuleysatay in ay noqoto hooyadii fadaraalka.
  2. Waxay tahay oo ugu muhiimsan in lasoo gaadhay xiligii umada somalyeed la midayn lahaa maadama ay dawlada dhexe ku guulesatay siyaasadii arimaha dibadda waxa a yaala oo aan lala qarsanayn in la rabo dalka lagu mideeyo wax loogu yeedhay waqooyi iyo koonfur oo ay dabada ka riixayaan siyaasiyiin badan oo reer koonforeed ah iyo maamulka Hargaysa taas oo lagu dhabar jebinayo hanaanka fadaraalka ee Soomaali ku hishiisey.  Hadabo si dabinka looga bad baado waa in nin khabiir ah oo miisaan leh oo kasoo jeedda gobolada SSC loo dhiibaa hogaanka Pundland si ay meesha uga baxdo wax layiraahdo waqooyi iyo koonfur, oo taa badelkeeyo ay noqotaa in Puntland iyo Somaliland sheekadu kusoo ururtaa halkii laga dhigi lahaa Soomaaliya iyo Somaliland waxaana uu Cali Ciise mideynaya dadkii reer Pundland ee 1998 wax wadda dhistay wuxuu meesha ka saarayaa in SSC ay ka mid tahay Somaliland.  Waxaana la is weydinayaa yaa aftida laga qaadayaa ma reer Puntland mise reer Somaliland .

Isku soo wada duubo waxaan qabaa musharaxnimada Cali Ciise iney tahay badbaadinta fadaraalka iyo midnimada Soomaaliya iyo wiliba soo afjarida muranada maamul goboleedada iyo dawlada dhexe.

Qore: Faisal Hassan.

Shacabka Madasha 60ka

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply