Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhallinyaradii Puntland oo Wacad Ku Maray inay Midoobaan oo Ku Taageeraan Madaxwaynaha Sidii Loo Heli Lahaa Horumar Taaba Gala Iyo Nabad Ku Baahsan Dhammaan Gobolada Puntland Haddii Allah Idmo

Waxaan Ku bilaabayaa Magac Allah Ee Naxariis oo Dhan Iska Leh

Waxaa maanta farxad iyo Allah ku xamdi mudan in dhallinyaradii puntland u istaageen inay midoobaan oo gacmaha is qabsadaan kana tashadaan aayahooda iyo sidii ay bulshadooda ugu horseedi lahaayeen horumar, iyo nabad waarta.

Waxaan dhallinyarada ugu bishaaraynayaa in fikirkoodaa xanbaarsan midoobidda iyo aaya ka tashiga uu saamayn wayn ku yeeshay dhammaan shacabka Puntland meel ay joogaanba, dadwayne farabadan markay arintaa maqleen waxaa qaarkood lahaayeen toloow ma riyaa mise waa dhab, allow hadday riyo tahay riyadaa hayga toosin ka dib markay u riyaaqeen arintaas farxadda mudan ee kasoo gaartay dhallinyaradii Puntland. Qaar kaloo badani waxay lahaayeen Rabbigii uumay adduunkanoow arintaa Run ka dhig una fududee sidii ay ku midoobi lahaayeen qalbigooduna isku mid u noqon lahaa…

Oday ka mid ahaa odoyaal meel ii dhow fadhiyey ayaa wuxuu yiri inta aan noolahay indhahaygu ma qaban doonaan dhallinyaradii Dhahar iyo Qardho oo gacmaha is haysta, Dhallinyaradii Rakoraaxo iyo Carmo oo gacmaha is haysta, dhallinyaradii Ufayn iyo Qandala oo gacmaha is haysta, dhallinyaradii sool oo garoowe lagusoo dhowaynayo iyagoo caleemo ubax leh loo lulayo, markaas ayuu isagoo hadalkiisii sii wata wuxuu raacshay… Qaadirkii qumanaayoow adigaan waxaad doonto ahow yiraahda oo ay isla markiiba ay ahaadaan ee Rabbiyoow Raxmaanoow arintaa run ka dhig isagoo saddex jeer ku celcelinaya… runtiina odaygaas indhihiisa qoyaan ayaa iiga muuqanayey oo aan is iri tolow ma ilmo farxadeedbaa…

Markaas anigoo qalbigaygii qoyey Ayaan usoo dhowaaday oo ku iri adeer maxay arintaasi saamaynta intaas le eg kuugu saamaysay?…

Wuxuu iigu jawaabay adeer awoowgay ayaa anigoo 12 jir iiga sheekeeyey waa dadka degaanadaan la yiraahdo Puntland dega cadow ka dhex faaiidaystay oo madaxa laysu geliyey oo dagaalo badan oo lagu hoobtay dhaceen ayaa waxaa dhacday in wiilal geel jira ah ay qabteen kuwo kale oo geel jira ah, markay qabteen ayeey waxay ku yiraahdeen maxaad naga filanaysaan maanta hadaad idinkoo aan itaal hayn noosoo gacan gasheen… markaas ayaa kuwii la haystay waxay yiraahdeen waxaan idinka filanaynaa laba arimood midood…

  • Inaad si xayi ah noo dishaan oo sharafleh maydkayagana asturtaan oo aydaan gegi cidlaha raqdayada uga tagayn dadkayagiina u wargaynaysaan.
  • Iyo inaad waa gaajaysanahaye hilba iyo caano na siisaan oo na jicsitaan nanasii dayn doontaana.

Kuwii wax haystay ayaa suaal kale ku ceshay oo yiri oo maxaa idinku dhaliyey inaan labadaas midood samayn doono….

Waxay ugu jawaab waxaynu nahay dad ehel ah oo isir wadaag ah oo belo inaga dhex faaiidaysatay oo madaxa isu keen gelisay ee aan cadaawad xun oo isir nacayb ahi inaga dhaxayn… ehel dagaalamayna bahdil isuma quuraan ee niman yahow hadaad na dilaysaan si dhaqso leh noo dilo hadaad na daynaysaana waa nafaysanahaye gogol iyo biyo nasiiya…

Kuwii wax haystay mid kamid ah oo ahaa kii watay ayaa inta soo booday isku duubay ninkii u jawaabayey oo ku yiri Wacad Allah waxaan ku maray inaan labadeena reer dhibdanbe kala gaarin… markuu intaas yiri ayuu kuwii asxaabtiisa ahaa mid ku yiri waryaa hebel gogoshaa la soo orod oo geedkaa ku fidi… mid kalana ku yiri war orod biyo lasoo orod dhowrkii kalana ku yiri ordaya soo qabta qaalinka ina heblood waa qaalin laba jir ahaa oo gawraca labada halaad ee hebla iyo heblana degdeg caana ugasoo lisa….

Odaygii oo hadalkiisii sii wata ayaa yiri adeer iyagoo sheekaysanaya oo qosol iyo farxad marna is xifaalaynaya marna legdamaya ayaa waxaa u yimi dhowr oday oo dhalay kuwii wax qabsaday… odoyaashii markay arkeen illayn waa dad is wada yaqaane oo ay arkeen farxadda dhallinyaradaa colka isu ahaa ka dhex dhacaysa ayaa midkood yiri Qaadirkii Qumanaayoow dhallinyaradayada walaalee oo farxaddaa caawa ii muuqata ku waari… adeer ninka sidaas lihi awoowgay buu ahaa…. haddii marka anigoo nool dhaayahaygu qabtaan iyagoo gacmaha is haysta oo meeshii waagii hore laga legdamayey waxay hadda ku cayaaraan oo ay yiraahdaan kubad ay dhex marayso inta dhex istaago Ayaan oran lahaa hadalkii awoowgay ee ahaa Qaadirkii Qumanaayoow dhallinyaradayada walaalee oo farxaddaa ii muuqanaysa ee ay wadaagaan ku waari….

Anigoo jirkayga jiriirico wada saaqday Ayaan ku iri adeer Rabbi waa awoodaa in dhaayahaagu qabtaan oo uu ducadaada aqbalo Anna Allah swtc waxaan ka baryayaa inuu Ducadaada aqbalo… waxaanse kaloo kuu sheegayaa waddanka haatan waxaa madaxwayne ka ah Nin… haddii Allah ayaa wax kasta awoodee u fududeeyo jecel in dhallinyaradu gacmaha is qabsato oo midowdo…

Ninkale ayaa sheekadii soo dhex galay markaas ayuu wuxuu yiri haddii taasi xaqiiqoowdo inaan Allah barino oo Rabbigeen ku xamdino ayaa waajib inagu ah… oo hadalkiisii sii raacshay  Rabboow dhallinyaradayada qalbigooda isukeen, Rabboow inay istaageeraan usahal…. Rabbow ruuxii ku baryaa kuguma hungoobo ee Rabboow ducadaa naga aqbal…

Marka Dhallinyarooy midowgaad isutaagteen wakaa wax garadkiinii odoyaasha ahaa qalbigoodii buuxshay ee maandhooyinoow uga dhabeeya oo ha ka daalina ilaa aad ka gaartaan higsigiinaa quruxda badan…

Anna waxaan idin leeyahay Dhallinyarooy midoowgaad isu taagteen Allah swtc haydiin fududeeyo waxaadna ogaataan in caqabado badani idinka hor imanayaan ee haw liicina hana ka daalina arintaa farxadda ah ee aad isu taagteen…. Ogaadana xaasidka aan jeclayn midowgiinaa badan ee ha u nuglaanina….

 

Wa Billahi Towfiiq

Qore: Eng Abdirashid Abdi Daad  ( Ciiltire)

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply