Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhallinyarada Puntland Ee Gundiid

Waxaan ku bilaabaynaa Magac Allah ee naxariis oo dhan iska leh

Kadib markaan aragnay dhibaatada isdaba jooga ah oo aan xadka lahayn oo ku dhacaysa Isimadii, Nabadoonadii, waxgaradkii, aqoon yahanaddii, baayacmushtarkii, siyaasiyiintii, Maatadii, carruur iyo haweenkii.

Kadib markaan aragnay ardadii wax kasoo bartay gudo iyo dibadba oo dalanbaabi lawareegaya CV- yo oo cid hoos u eegaysaa aanay jirin oo niyad jab iyo quusasho la baday.

Kadib markaan aragnay magaalooyinkii iyo degaanadii Reer Puntland oo gacanta u galay duul shisheeye iyo shisheeye kalkaal bahdil iyo sharaf dhac ku haya shacabkii sharafta iyo qiimaha Rabbi ku manaystay.

Kadib markaan aragnay masaajadadii eebe lagu caabudayey oo culamadii biri magaydada ahayd lagu laynayo.

Kadib markaan aragnay in dhiigga shacabkii sharafta lahaa noqday sahal daadintiisu gudaha magaalooyinka iyo daafahoodaba.

Kadib markaan aragnay in midnimadii iyo isu damqashadii shacabka Reer Puntland la waayey oo reerba meel gaar ah bahal ku cunayo.

Kadib markaan aragnay  faraxumaynta sharaf dhaca ah ee lagu hayo dumarkii haddana usoo gudubtay in caruurtii iskuulada aadi jirtay welwel laga qabo soo noqoshadooda.

Kadib markaan aragnay ka gilgelasha la’aanta xumaanta isdaba jooga ah ee lagu hayo shacabka Reer Puntland.

Kadib markaan aragnay sharaf la’aanta haysata bulshadii magac iyo sharafta ku dhex lahayd bulshooyinka kale oo aan maanta golayaasha laysugu yimaado kadhex  kaftami Karin.

Anagoo ah Dhallinyarada Puntland Ee Gundiid waxaan go’aan ku gaarnay qodobadaan hoos ku xusan…

  1. In aanan dib danbe u eegan sharaf xumada iyo nabad la’aanta soo wajahday bulshadayadii magaca iyo maamuuska lahayd ee Punrland.
  2. Inaan ka shaqayno sidaan usoo celin lahayn isu damqashadii iyo hiilkii ka dhaxeeyey dhammaan bulshada Reer Puntland.
  3. Inaan dhamayno khilaafaadka keenay in la waayo wax wada qabsigii iyo is ehelaysigii ka dhaxayn jiray bulshada Reer Puntland.
  4. In Ninkii ruux Reer Puntland ah dilaa la mid yahay nin Reer Puntland oo dhan dilay ninkii ruux Reer Puntland wanaajiyaana la mid yahay nin Puntland oo dhan wanaajiyey.
  5. In talada Reer Puntland wax laga siiyo wax garadkii loo idmaday ee ahaa Isimada,  Caaqilada, Nabadoonada, wax garadka si looga  shaqeeyo wada jirka, midnimada iyo sharaf kuwada noolshaha dhammaan bulshada Reer Puntland.
  6. In laga hortago dhammaan ururada iyo siyaasiyiinta caadaystay kala kaxaynta iyo isku dirka bulshada Reer Puntland iyagoo ku qaraabanaya ka shaqaynta danaha iyo magaca Bulshada Reer Puntland.
  7. In aan isu taagno annagoo u hurayna naf iyo maalba sidii loo heli lahaa loona soo celin lahaa wadajirkii, midnimadii, sumcaddii, sharaftii iyo nabaddii dhammaan bulshada Reer Puntland anagoon cidna xumaan u gaysanayn.
  8. In aan marna laga nasan lagana daalin sidii ay ku suurto geli lahayd soo celinta midnimadii Bulashada Reer Puntland.
  9. In aan ugu baaqno walaalaheena  kale ee Killinka Shanaad iyo Jubba Land sidii aan uga shaqayn lahayn oo u hergelin lahayn wada jir iyo iskaashi taaba gala
  10.  In aan Alle Bari samayno inagoo Allah Subxaanuhu Watacaalaa meel kasta aan joogno ka baryeena inuu inoo sahlo oo inoo fududeeyo siday noogu hergeli lahayd arimahaas aan kor kusoo sheegnay.

Codsi…

Ku… Isimada beelaha Reer Puntland

Ku… Dhammaan Caaqilada beelaha Reer Puntland

Ku… Dhammaan Nabadoonada beelaha Reer Puntland

Ku… Dhammaan Culumada, Aqoon yahanada iyo Wax garadka Reer Puntland

Ku… Dhammaan Dumarka Reer Puntland gudo iyo dibaddaba

Ku… Dhammaan Dhalinyarada Reer Puntland gudo iyo dibaddaba

Waxaan ka codsanaynaa in ay wixii talo iyo tusaale ah ee sahli kara soo celinta Midnimadii, Sharaftii, Sumcaddii Iyo Magacii Reer Puntland nagu kaalmeeyaan idinkoo noogu soo diraya Emailka hoos ku qoran…

Waxaan kaloo codsi u diraynaa Ciddii damiir leh oo daacada oo doonaysa wanaagga iyo midaynta Reer Puntland inay ka qayb qaataan  isutaagidda sidii looga miro dhalin lahaa arimahaas kor ku xusan fadlan waxaad nagala soo xeriirtaan Haddii Allah idmo Emailkaan hoos ku qoran

Gundiid@outlook.com

WabiLaahi Tawfiiq

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply