Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHAGEYSO: Wafdi uu Horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo Kismaayo Yimid, Maxaytahay sababtu? ( DAAWO SAWIRO)

Waxaa maant garoonka Magalada Kismaayo Ka soo dagay Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo  Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka DF Soomaaliya Cabdi Kariin xuseen guuleed iyo wasiir ku xigeen Gashaandhiga Cabdi Raxmaan Dheere.

Waxaa garoonka diyaardaha ku soo dhaweyeey Madaxweyne ku xigeenka Maamulk a KMG ee Jubba C/laahi Sheekh Ismaaciil Farataag,  Masuuliyiin ka tirsan Maamulka ,odayaal dhaqameed Iyo urarada Haweynka.

safarkan oo ah kii ugu horeyay ay ku yimadan halakan ka dib Shirkii Addis Ababa.

HALKAN KA DHAGEYSO

Wasiradan oo u soo dhaadhacay dhanka madaxtooyada magalda kismaayoo halkaasi oo ay kula kulmeyn madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Axmed Max’ed Islaam ,sidoo kale waxaa halakaas hadal kooban ka jeediyaya madaxweynaha maamulka Jubba iyo Wasiirka  Arimaha Gudaha Cabdikariin xuseen oo sheegay in ay u kuurgali  doonaan xalada amniga iyo arimo badan ooa kamidtahay wadahadaladii u socaday dowlada soomaaliya iyo maamulka KMG ee Jubba.

Wafdigan ayaa daba socday iyadoo maalmo kahor magaalada Kismaayo ay gaareen wufuud ka socotay AMISOM, kuwaasoo kulamo la qaatay madaxda maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ee ku sugan Jubooyinka.

Wafdiga ayaa caawa baryi doona Kismaayo, waxaana imaatinka wafdigan uu kusoo beegmayaa iyadoo dowladda Soomaaliya ay hore u iclaamisay in 21-ka bishan shir dib u heshiisiineed oo ay isugu imaanayaan dhinacyada ku muransan siyaasadda Jubooyinka uu ka dhici doono magaalada Muqdisho,  Madaxeynaha maamulka Jubba uu shaaciyay in uusan ka qeybgeli doonin shirkaasi.

DAAWO SAWIRADA:

Ceegaag Online-kismaayo

 

 

 

 

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag