Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHAGEYSO:Salaadiinta Iyo waxgaradka Ka soo jeeda Gobalada Jubboyinka iyo Gado oo Mudo Sadex Cisho ah shir uga socday Magalada kismaayo soona saaray Illaa iyo Lix Qodob, Waa Maxay Qodobadaas? (DAAWO SAWIRADA)

Kulankan oo ahaa mid ay Odaysha jubooyinka kaga Arinsanayeen Arimaha katagan magaalada Kismaayo gaar ahan dilalka aanoyinka la xiriira iyo sidii odayasha dhaqanku ay uga qayb qadan lahayeen dib u heshiisinta gobolada jubooyinka ayaa waxaa ay kazoo sareen qodobo dhawr ah

Waxaana mudada ay kulanka uu usocday ay isla so hadal qadeen shirarka dib u heshiisinta Ee lagu wado in ay ka dhacan magaalada Kismaayo waxaana ay dhanka kale ka soo hor jeesteen heshiisiyo gaar ah iyo abaabul ciidan oo la sameyo mudada ay socdaan shirarka dib u heshiisinta ah, waxaana dhanka kale ay canbaareyen werarkii argagixiso Ee kooxda AlShabab ay ka gaysteen xarunta ganacsi Ee westged mooll Ee magaalada Nayroobi.

Hadaba waakan Ugaas cumar xiirey  oo kahadlaya waxyaabaha ay isku afgarteen Odayasha dhaqanka jubooyinka Ee maanta kismaayo ku kulmay.
qodobada ayaa waxaa ka mid ahaa:  Waxaan sidoo kale cadeynaynaa in aan diyaar u nahay sii wadida Hishiiskii Muqdisho iyo marti galinta Qeebtiisa Labaad ee dib u heshiisiinta Kismaayo lagu qaban doono ayadoo la raacayo hishiiskii Addis Ababa.

HALKAN KA DHAGEYSO
Waxaa sidoo kale hishiiskan Saxiixay:
Suldaan Cabdulaahi Cali Sonkor
Ugaas Max’ed Baqow
Suldaan Muuse Nuur
Ugaas Ibraahim Cali Diiriye
Ugaas Ibraahim Cabdi Geedi
Gaar Cali Axmed Aar
Suldaan axme Sheekh Madaare
Ugaas Cumar Cabdi Xiirey
Ugaas Cabdi Qaadir Sheekh Maxuud Bile
Ugaas C/raxmaan Carab Daahir
Ugaas Cali Seed Cuamar
Ugaas jaamac Xasan Ibaraahim
Ugaas Irshaad Siigaale
Nabadood Cabdulaahi Siciid Biindho
Nabadoon Siciid Axmed Niuur
Suladaan Max’ed Guuleed Cade
Nabadoon Ibraahim Abshir
Nabadoon Yasiin C/ Faarax
Ugaas Max’ed Abuukar
Nabadoon Sheekh Max’ed
Suldaan Faaraxs Suladaan Max’ed
Ugaas Max’ed Xasan Shangalow
Ugaas Max’ed Ugaas Siciid Ugaas Max’ud
DAAWO SAWIRADA:


Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag