Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DHAGEYSO : Munaasabad sogootin iyo soo dhaweyn ah oo loo qabtay ardayda jamacada kismaayo ( DAAWO SAWIRADA)

Munaasabadaan oo lagu sagootinaayey ardayda dhamaysay Jaamacadda Kismaayo sanad Jaamacadeedka 2012, 2013 isla markaaana lagu soo dhowaynaayey ardayda cusub ee sanadkaan kusoo biirtay Jaamacadda ayaa waxay ka dhacay xarunta Jaamacadda ee magaalada Kismaayo.

Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay qaybaha kala duwan ee maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Kismaayo, masuuliyiinta Jumciyadda Khayriga ah ee Towfiiq, ganacsato, waxgarad, aqoonyahanno, ardayda Jaamacadda iyo marti sharaf kale.

C/shakuur Rashiid oo ah kuxigeenka maamulaha Jaamacadda Kismaayo ayaa ugu horayn ka hadlay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay Jaamacadda Kismaayo oo laa as aasay sanadkii 2005-tii waxaana uu sharaxaad ka bixiyey adeegyada waxbarasho ee ay Jaamacadda u fidiso dadweynaha ku nool magaalada Kismaayo.

Sidoo kale waxaa masuuliyiintii ka hadlay munaasabadaan kamid ahaa Maxamed Cabdi Faarax madaxa Jumciyadda Towfiiq ee gacanta ku haysa Jaamacaddda Kismaayo waxaana uu sheegay in Jumciyaddu ku dadaashay sidii dadka danyarta ah wax loo bari lahaa taasi oo ay iminka guul ka gaartay kadib markii ay magaalada Kismaayo ka hirgalisay waxbarashada hoose tan dhexe iyo tan sare iyada oo gaarsiisay heer Jaamacadeed.

Ugaas Almaax oo isaguna kamid ahaa martii kasoo qayb gashay xafladda ka dhacay Jaamacadda Kismaayo ayaa ugu hambeeyey maamulka Jaamacadda Kismaayo in ay hadda goosanaayaan natiijada beer ay muddo badan kusoo bixiyeen wakhti iyo maskax.

HALKAN KA DHAGEYSO

Qaar kamid ahaa dadkii kale ee ka hadlay munaasabadaan oo uu kamid ahaa maamulaha shirkadda Hormuud Eng. C/qafaar Xaaji Maxamuud ayaa waxa ay madasha kasoo jeedeen hadallo bugaadin ah iyaga oo Jaamacadda ku booriyey in ay sii waddo dadaalkeeda ku aadan dhanka waxbarashada.

Sikastaba Jaamacadda Kismaayo oo la furay sanadkii 2005-tii ayaa dufcaddaan waxay noqonaysaa tii afraad ee ka qalin jebisa, ardayda qalin jebisay oo tiro ahaan dhamaa 32-arday ayaa u badnaa arday soo baratay kuliyadaha Maamulka, Dhaqaalaha iyo Tarbiyadda Islaamka.

DAAWO SAWIRO:

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag