Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dhagayso Xildhibaan Sandheere oo leh :Nimankii Hebelow iyo hebel iyo hebel lahaa waxaan soo aragnay ayagoo jilicsan oo darbiga soo taabtay, ayraboorkii nalagu xiri jiray waxaa nagu soo dhaweyn doona askar gaardinaysa iyo hadalo kale oo xamaasadi ka muuqato

Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Sandheere oo kamid ahaa wafdigii DFS umatalay wadahadaladii Addis Ababa ayaa hadalo kulkulul oo ay caadifad ka muuqato ujeediyay qaar kamida dadkii kasoo horjeeday dhsimaha Jubaland oo isugu yimid hoteelka Cabdiqaadir luga dheere ku leeyahay magaalada Muqdisho.Xildhibaanka ayaa u xogwarmaya dadkii diidanaa dhismaha Jubaland ayaa wuxuu yidhan sidan

‘‘Wixii Kismaayo ka jiri jiray oo ay kamid ahayd in Kenyaatigu anagoo cascasow jiifna ay askarta naga qaateen oo aan maleeshiyooyinka uyeeranay ayraboorkii lagu xiray wasiirada taliyaasha ciidanka xataa lagu xiray Amisom jabuuti nin ah, nimankii oran jiray Xamar dayuurad ka imaan mayso iyadoo ka imaanysa Gaarisa, Jigjiga iyo meelwalba, waxaan idiin sheegayaa in arintaas ay soo afjarantay.’’

Dhagayso  Sandheere-Kismaayo

‘‘Nimankii hebelow iyo hebel iyo hebel lahaa waxaan soo aragnay ayagoo jilicsan, waxaan soo aragnay iyagoo walaalnimo raba, waxaan soo aragnay iyagoo soo taabtay darbiga, waxaan rabnaa marka inaan ka faaidaysano fursadaas.Waxaan lasoo saxiixay waxaan umaleynayaa 9 qodob baa ugu waaweyn, sagaalkaa qodob 7 dowladaa leh , markaa leeyahay dowladaa leh idinkaa leh, 7 qodob baa idinka idin ilaalinaysa , todobadaas qodob waxay ilaalinaysaa xuquudiinay ilaalinaysaa, inaan wax la idiin magacaabi karin bay ilaalinaysaa, in dib uheshiisiinta idinku aad fadhiistaan bay xaqiijinaysaa, waxay xaqiijinaysaa markii la gaadho dowlad goboleed, hadiiba la gaadho inay kasoo dhisanto tuulo ilaa kor oo idinka gacantiina soo galisay.’’

Mar uu ka hadlayay shirarka dib uheshiisiinta iyo tagitaanka Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa wuxuu yidhi sidan;-

‘‘Waxaa weeye Xamar wuu imaan doonaa Axmed madoobe iyo ragiisa, xamar markuu yimaado waxay ubadnaan doontaa Cabdiqaadir baa meeshan ku martiqaadi doona, hoteelkaanay ubadnaan doontaa, halkaanaa lagu wada hadli doonaa.’’
‘‘Kismaayaa madaxweynuhu tagayaa meeshii ayraboorka lagu xiri jiray askar gaardinaysa baa nasoo dhaweynaysa markaan tagno.’’

Hadalka Xildhibaan Sandheere oo u muuqda mid uu ku qancinayay qolyihii jubaland diidka ahaa inay taageeraan heshiiskii Addis Ababa ayaa wuxuu u dhacay sidann ee hoos ka dhagayso

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag