Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dembi Shaneemo & Dilka Iimaamka, W/Q Axmed-Assad

Bulxan & Gurxan waa laba qareen oo jaajaaleyaal ah oo haddana waligoodba isku lid ah mar iyo dhif  mooyaane!

BULXAN:
 
Daawashada Shaneemada
Dembigaa Isboortiga
Waxa Kaa Dawayn Kara
Adigoo Dab Miinniyo
Baaruudda Duushiyo
Isku Xirra Dambaabiro
Dabadeed Masaajiid
Dadku Buuxiyeenoo
Duhur Uu Jimcuhu Yahay
Daakhilkiyo Safkaa Hore
Iimaamka Soo Dilla!
 
GURXAN:
 
Dembi Ma Leh Isboortiye
Daa’imkay Ku Soo Qabay
Doqonsanaa Ma Xoolaa
Dajaal-Cawar Agtiisiyo
Dabka Naarta Uumiga
Dacarteeda Jahanama
Dhex Durduuro Abidkaa
Ku Dabaallo Foornada
Dibna Yaan Laguu Arag
Daallin Dhiig Cabaadtee!
 
W/C: Axmed-Assad, Barmaamijkii Murtisoor.
Facebook: Facebook.com/Murtisoor (Like it)
Email: Ahmedy98@yahoo.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply