Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Deg Deg:Aqriso Tirada Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Jubba iyo Qaabka loo soo Xulayo

Madaxweynaha maamulka Jubba ayaa maalmahan ku guda jiray la tashi ku aadan soo xulida golaha baarlamaanka maamulka Jubaland iyo xubnaha golaha wasiirada.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa sidii aan horay u sheegnay lagu soo xuli doonaa qaab deegaan.Maamulka Jubaland wuxuu ka kooban yahay 3 gobol iyo 15 degmo.Degmo kasta waxay helaysaa 4 xildhibaan marka laga reebo degmada kismaayo oo loo qoondeeyay 8 xildhibaan.Tirada guud ee xildhibaanada ayaa lagu wadaa inay noqdaan 75 xubnood iyadoo ay jiraan tiro go’an oo dumarka loo qoondeeyay.

Dhanka golaha wasiirada waxaa xusid mudan in aan loo eegi doonin aqoon iyo shahaado jaamacadeed.

Madaxweynaha maamulka Jubba oo arintan la weydiiyay ayaa sheegay in xubnaha golaha wasiirada ee hada la magacaabayo ay yihiin dhiig joojin sidaa darteedna aysan suuragal noqanaynin in shahaado lagu xidho.

Maalmahan fooda inagu soo haya ayaa lagu wadaa in si buuxda loo dhameystiro maamulka Jubba si uu uguto waajibaadka saaran unafuliyo adeegyada bulshada ee shacabku aadka ugu baahanyahay.

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag