Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Deg Deg: Jubba State iyo Dowladda Federaalka oo Isku Afgartay Qodobo Dhowr ah (DHAGEYSO)

Kadib shir ay albaabadu u xirnaayeen oo muddo saacado ah uga socday xarunta Madaxtooyada Jubba State ee magaalada Kismaayo waftigii ka socday Dowladda Soomaaliya iyo masuuliyiinta maamulka Jubba ayaa labada dhinac shir jaraa’id oo ay galabta qabteen waxay ku shaaciyeen in la isku afgartay qodobadii laga wada hadlay.

Qodobada ay labada dhinac shaaciyeen in la isku afgartay waxaa kamid ah in Jubba State ay ka qayb gasho shirka dib u heshiisiinta ah ee Dowladda Soomaaliya ku qabanayso magaalada Muqdisho iyo in magaalada Kismaayo dib loogu soo celiyey Ciidamada Coll. Barre Aadan Shire Hiiraale ee dhamaadkii bishii June dagaalka looga saaray magaalada.

HALKAN KA DHAGEYSO

Wasiirka arrimaha gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya C/kariin Xuseen Guulleed iyo Hoggaamiyaha Jubba State Axamed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay arrimahaasi.

Waftigii ka socday Dowladda ayaa isla galabta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho waxaana halkaasi ugu soo dhamaaday booqasho qaadatay muddo labo maalmood ah oo ay ku joogeen magaalada Kismaayo.

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag