Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DEG DEG AH: Dowlada Soomaaliya oo Ra’isulwasaare Cusub Yeelatay

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud ayaa goor dhow ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya u magacaabay Cabdiweli Sheekh Axmed Sheekh Maxamed, kaasoo bedeli doona Saacid.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay si aad ah ugu mashquulsanaa soo xulista ra’iisul wasaaraha cuusb, waxaana uu noqonayaa ra’iisul wasaaraha uu maanta magacaabay kii labaad oo uu soo magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh.

Waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la horgeeyo ra’iisul wasaarahan cusub ee la magacaabay baarlamaanka si ay kalsooni u siiyaan. Wuxuuna ka soo dhex-baxay ra’iisul wasaaraha cusub C/weli Sheekh Axmed tobaneeyo murashaxiin ah oo xilkan isku soo taagay.

C/weli Sheekh Axmed ayaa wuxuu markii ugu dambeysay ka shaqeynayay Bankiga Islaamka ee xaruntiisu tahay boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyadoo ay tahay markii ugu horreysay oo loo magacaabo xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ceegaag Online

Kismayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag