Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dawlada Soomaaliya oo qabyaalad darteed Argagixiso Aways usoo dhaweesatay

Wararka nagasoo gaaraya Magaalada Cadaado waxay sheegayaan in Waji kale loo yeeley Wadahadaladii u dhexeeyey Xubno Dowlada matalaya oo ka koobnaa Beesha Cayr iyo Mid kamid ah Hogaamiyayaasha Al-shabaab Xasan Daahir Away, Wararka ayaa intaas ku daraya in Masuuliyiinta sarsare ee Dowlada Federaalka ah ee ku sugan MAgaalada Muqdisho uu ku dhacay yax yax iyo afkala qaad marka lasoo gaarsiiyey Dalabka Sharuudaha uu Xasan Daahir Aweys ku xirey bilaabida Wadahadal dhexmara Garabka cusub ee Al-shabaab oo uu hogaaminayo Xasan daahir aweys iyo Dowlada Federaalka ah.

1-Wadahadalada uu Dowlada Federaalka Soomaaliya la galayo in Muqdisho aysan ka dhicin ee dal kale lagu qabto si uu gor gortan siyaasadeed uu ula galo Dowlada Federaalka
2- In loo aqoonsado Siyaasi Soomaaliyeed
3-in loo sameeyo Guri uu dego, loona ogolaado inuu samaysto Ciidan isaga Ilaaliya.
4-In meesha laga saaro in wadahadal aan la yeesho Wadamada Caalamka sirdoonkooda

Su’aashu waxaa weeye sidee khaladku u dhacay oo loo shirqoolay Dowlada

Sida lawada ogsoonyahay Xasan daahir oo mudo dheer ahaa Masuuliyiinta ugu sareysa ee xarakada Al-shabaab islamarkaasna masuul ka ahaa burbur,  Xasuuq iyo dagaalo lagu hoobtey ee kasocda mudo dheer Soomaaliya, ayaa usoo baxsadey Magaalada Hobyo isagoo Dooni kasoo raacay Degmada Baraawe oo ay iskusoo khilaafeen Masuuliyiinta ugu sareysa Xarakada Al-shabaab.

Xasan Daahir imaashihiisu ma ahayn mid magangalyo raadis ah, mana uu bixin Wax hadal ah oo ku saabsan mowqifkiisa cusub iyo mustaqbalkiisa Siyaasadeed, lakiin waxaa Wax lala yaabo noqotay markii Magaalada Muqdisho gudeheeda ay Odoyaasha Beelaha HAwiye ee uu hogaamiyo Axmed Diiriye  iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo kasoo jeeda Beesha uu kasoo jeedo Xasan Daahir ee Cayr ay ku dhawaaqeen in si sharafleh oo Odaytinimo loosoo dhaweeyo Oday Xasan Daahira Aways, isla markaasna waxay bilaabeen Olol ole siyaasadeed iyo kulamo xiriir ah oo ay la yeelanayeen Madaxweyne Xasan Sheikh, tasoo suura galisey iney Madaxweynaha ku shirqoolaan kuna qanciyaan inuu Xasan Daahir Aweys uu Madaxweynuhu u arko Oday Hiraab isla markaasna lagusoo dhaweeyo Magaalada Muqdisho isagoo ah Marti Sharaf leh, isla markaasna aan waxba la iska waydiinin lagulana xisaabtamin wixii dulmi iyo Dil uu horey u gaystey.

Waayo Wafdiga uu Madaxweynuhu Cadaado u direy

Waxaa yaxyax iyo ceeb ku ah nidaamka Dowladnimo in Madaxweyne Xasan Sheikh uu Cadaado u diro Wafdi Qabiil oo uu hogaaminayo Ugaas Cabdi Daahir oo kamid ah Ugaasyada Beesha Ceyr isla markaasna mudo dheer ahaa Gudoomiyaha Gudiga Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee Xarakada Al-shabaab oo fadhigiisu ahaa Ceelasha Biyaha, kadibna Baraawe fadhiyey, Ugaas Cabdi Daahir Dhowaan ayuu soo galay Magaalada Muqdisho, Walina ma uusan Cadeyn inuu ka tagay ama ka shalaayayo kamid ahaanshihiisii Xarakada Bahalada iyo dhiigcabka ah ee Al-shabaab.

Waxaa kaloo Wafdiga layaabka leh kamid ahaa Cabdulqaadir Cali Cumar oo ahaa Madixii Dagaal galinta iyo Qaraxyada Muqaawamodii Muqdisho isla markaasna ahaa Gacan yarihii Xasan Daahir Aways, kana soo jeeda Degmada cadaado.

Waxaa kaloo Wafdiga kamid ah Yusuf Indhacade oo macruuf ah Ninka uu yahay, Waxaa kaloo Wafdiga kamid ahaa Xayn kamid ah Baarlamaanka oo dhalasho ahaan ay wadaagaan Xasan daahir aweys.

Markii Cadaado la isugu tagay Maxaa dhacay

Shirwayne ay isugu yimaadeen Beehs Xasan Daahir Aweys ayaa lagu qabtay Madaxtooyada Cadaado shalay , shirkaasoo lagu baalmarey balantii iyo Heshiiskii lalasoo galay Madaxweyne Xasan Sheikh ee ahaa in Xasan Daahir oo shacab ah lakeeno Magaalada Muqdisho, Xubnahaan waxay shirkoodii Jeebka kala soo baxeen Ajande u qarsoonaa oo ahaa in Wadahadal iyo Awood qaybsi Siyaasadeed oo Cusub ay Beeshu la gasho Madaxweyne xasan Sheikh iyo Dowlada Federaalka ah iyagoo ka faa’iideysanaya Miisaanka iyo Culeyska Siyaasadeed oo labuun buuninayo ee uu samaynayo Hogaamiyaha Al-shabaab Xasan Daahir Aweys.

Waxaa Miiska lasoo saarey Sharuudo cusub oo ay Beeshu isku raacdey iyadoo lagu qaraabanayo isla markaana shacbiga iyo Ra’yul caamka lagu qaldayo oo loo muujinayo iney ka yimaadee Garabka cusub ee Al-shabaabka oo Xasan Daahir hogaamiyo.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo markii hore si Caadifad Qabiil iyo ka fiirsasho la’aan arinta u wajahay ayaa hada ku baraarugay damaca siyaasiyiinta Beesha Xasan Daahir ay ku doonayaan awood qoobsiga Dowlada federaalka iyo Xilal sare.

Shirqoolka lagu sameeyey Dowlada Federaalka ah waxaa kaloo qayb wayn ka qaatey Idaacadaha ay kamidka yihiin VOA iyo BBC oo shacabka u tusay in Xasan Daahir Aweys uu yahay Oaday Soomaaliyeed, iyagoo marmarka qaar soo tabinayay Cajilado lasoo ururiyey oo Xasan Daahir ku hadlayo Ereyo ay kamid yihiin Shacabka Soomaaliyeed in la xusuuqo dooni mayno iyo waxyaabo lamid ah, Waxay kaloo iyagoo waraysanaya masuuliyiinta Dowlada qaarkood ay afka u galiyeen in Xasan Daahir lasoo qabtay oo uu maxbuus yahay, xili uu Xasan Daahir si xor ah u deganaa guri Cadaado ku yaal.

Waxaa kaloo xusid mudan Hadalkii Todobaadkii hore uu yiri Taliyihii Hore ee Nabadsugida Soomaaliyeed ee uu sheegey in hadii Ciidanku ay qabtaan Al.shabaab ay ka daba yimaadaan rag Dowlada ka tirsan kuwasoo xariga kasii daaya, Arimahaan oo idil waxay kuu cadaynayaan in Dowlada xasan Sheikh ay si qodo dheer faraha ugula jirto ama talada la wadaagto Xarakada Al-shabaab.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag