Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dardaaran Ku Socda RW C/wali, W/C: Axmed-Assad

Hogaan Wacan Inaad Noqotid, Baa Loo Hanwayn Yahaye
Hambalyaan Ku Leenahay Walaal, Hadal Dhammaantiise
Hormuud Inaad Ahaataan Jeclahay, Hor Alle Weeyaane
Haddaad Qabatay Booskaa, Cabdoow Hagar La’aan Buuxi
U Hoggaansan Xeerkiyo sharciga, Haggo Dastuurkeenu
 
Hawshii Adkaataba Waa Inaad, Hanad u Dhiibtaaye
Qofkii Hanan Karaayaa Xilkaas, Lagu Halleeyaaye
Hanti Laguma Aamino Hunguri, Halabsi Doonna ahe
Halyayad Inna Abraar Oo Kalaa, Lagu Hagaajaaye
Hanoo Keenin Kii Aan Hufnaan, Hubanti Loo Haynin
 
Halkaad Joogto Waa Inaan Collaad, Laga Hullaaqayne
Waa Inaad Musuqa Ka Hor Tagtaa, Heerkastuu Yahaye
Waa In Aanay Eexadu Ku Hoddin, Habar-Tolleed kaaye
Waa Inuu Jahligu Hadur Noqdood, Hanaqa Goysaaye
Waa Inuu Fakhrigu Hoos U Dhaco, Hanato Taagtaaye
Waa Inaad Shaqiyo Haybad iyo, Horumar Keentaaye
 
Afartaa Habaar Qabbe Adeerkood, Hoojiyaa Jirra’e
Waxaan Hoollifleey Ugu Egnahay, Amase Haaweeyda
Hagardaamo Iyo Diif Waxaa, Haarro Nagu Yaalla
Hiiftaasi Waxay Noogu Taal, Amase Hiirtaanyo
Hooggaa Waxay Noogu Wacan, Horor Qabyaaleed’e
Ha Rafiiqsan Ballo Kii Hurshee, Xumo Horseedaaya
 
Haddaad Aragto Kuwo Uu Harraad, Jarray Hanqaarkooda
Haddaad Aragto Kuwo Aan Cashiyo, Hellin Quraacdooda
Haddaad Aragto Kuwo Aan Hu’ iyo Haysan Kabbo Toona
Haddaad Aragto Kuwo Haajirroo Lumiyay Hoygooddii
Haddaad Aragto Kuwo Hoganayoon, Shaqo hawaynanin
Haddaad Aragto Kuwo Ay Xabaddi Heertay Boqontooda
Halla Yaabin Waxay Doonnayaan, Inaad Habaysaayne
 
Hooyada Dayacan Ubadku Waa, Lama Huraankiiye
Hiilliyo Waxay Mudan Yihiin, Hodan Dhaqaalayne
Haka Diiqadoon Haydhaflaha Dad Ugu Hooseeya
Ha Karhinne U Soo Joogso Oo  Hubbi Xaqoodoo dhan
Ha Mooggaanin Waxay Kaa Sugaan Himillo Weeyaane
 
Axmed-Assad

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply