Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dalladda Hay’adaha ka shaqeeya howlaha bani’aadamnimada Soomaaliya (SHOC) oo kulan ku yeeshay Muqdisho.

Hay’adahan oo ka kooban 45 hay’adood oo maxalli ah ayaa 35 ka mid ah  waxay kulan ballaaran ku yeeshay  oo Arbacada wiigii hore magaalada Muqdisho, kaa soo ay kaga hadleen arrimo quseeyay gargaarka bani’aadamnimo ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha daladda hay’adda ka shaqeeya howlaha bani’aadmanimo ee Soomaaliy (SHOC), C/qaadir Abuubakar Sheekh Xasan ayaa hambalyo iyo ammaan u soo jeediyay hay’adaha ka shaqeeya gargaarka, isagoo tilmaamay in intii ay jireen ay muujiyeen dadaal iyo karti dheeraad ah.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay saddex qodob oo kala ah: kaalinta ay hay’aduhu ka qaadan karaan caawinta qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya oo la sheegay in dib loogu soo celinayo gudaha dalka. Sidii la  isugu xiri lahaa haya’daha howlaha samafalka ka shaqeeya iyo inay ha’yadaha ka shaqeeya gudaha la yimaadaan karti iyo wax-qabad hufan.

“Muddadii halka sano ahayd ee ay SHOC jirtay waxaa noo qabsoomay howlo dhaxal-gal ah, sida in sideed tababar oo kala duwan la siiya hay’adaha gargaarka ka shaqeeya iyo inay ka qaybgaleen shirar caalami  ah,” ayuu yiri guddoomiyaha SHOC oo intaas ku daray in howshaas in howlahooda ay sii laba-laabi doonaan.

Saraakiil ka socday hay’adaha ku mideysan SHOC oo iyaguna ka hadlay howlihii la qabtay halkii sano uu isku-taggooda jiray, waxayna sheegeen inay howlo badan oo wax-ku-ool ah qabteen, ayna diyaar u yihiin inay howlahooda intan sii kordhiyaan.

Guddoomiyaha SHOC, C/qaadir Abuubakar ayaa u mahadceliyay hay’ado caalami ah oo ay ka mid yihiin SRDF, MCF iyo THF oo fadhigeedu yahay magaalada London ee xarunta Ingiriiska.  Dalladu waxay soo bandhigtay qorshe howleedka sannadka soo socda ee 2013, taasoo falanqeyn kaddib la isku raacay, iyadoo kulanku uu kusoo xirmay jawri farxad iyo is-afgarad uu ku dheehan yahay.

 

  “Cabdinaasir Yuusuf Macalin” <cnaasir114@hotmail.com>

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag