Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dalladda Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed (SODEN) oo Xustey Malinta Nafada Adunka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed “Xukuumadu waxay Dooneysaa in Dadka Naafada ah ay helaan Dhamaan Xaquuqahooda”

3-da   Bisha December ee Sanad kasta oo ah maalin loo asteeyey dadka naafadda ah ee aduunka oo idil ayaa laga xusay Guud ahaan Dalka Soomaaliya, Munasabad lagu xusayey maalinta Naafadda aduunka,oo uu soo qaban qaabiyey Daladda Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed  (SOMALI DISABILTY EMPOWERMENT NETWORK) (SODEN) waxaana   ka soo qayb galay Madax ka tirsan Dowladda Federalka, Daladda SOSCENSA, Ururada Indhoolayaasha, Madaxda Hayadaha Samafalka Haween ,Dhalinyaro iyo Marti Sharaf kale  .

Xuska maalintan oo ah Sanadle ayaa sanadkaan halku dhagiisa uu yahay  “HORUMAR JOOGTO AH IYO TIKNOLOOJIYADA OO LAGA QAYB GELIYO” ayaa ugu Horeyntii waxaa ka Hadley Gudoomiyaha iyo Agaasimaha Hay’adda Awoodsiinta Naafada Soomaaliyeed ee SODEN Mudane Cabaas Macalin Caddow, iyo Maxamed Cali Faarax waxayna sheegeen in mudadii ay dhisneyd Hayadooda ay qabteen Barnaamijyo Fara badan oo lagu hormarinayo Naafada Soomaaliyeed waxayna u Mahadceliyeen Shrkadaha Dhismayaasha oo ay sheegeen in ay u dhaga nuqlaadeen Baaqoodii ahaa in Naafada Helaan Meelo ay mareen.

Xubnhi kale ee halkaa ka Hadley waxaa ka mid ahaa Agaasimaha Fulinta ee Dalladda SOSCENSA  Xasan Axmed Sadiiq waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed u soo jeediyey in ay Caawiyaan Dadka Naafada oo uu xusey in qabaan Dhibaatooyin badan sidoo kale waxaa uu sheegey in Daladooda ay sii laba laabeyso wax u qabashada dadka Naafada ah

Cabdiraxmaan Shire  oo ka socdey  AID DISABLE  ee Dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Sanad kasta Saddexda  DEC loo aqoonsaday maalinta bulshada qaybteeda Naafada ah ee ay ka midka yihiin Naafada, ,Indhoolayaasha,Dhagoolayaasha, Kan Maskaxda ka Naafoobay,waxana uu ku nuuxnuxsaday in xil adag la iska saaro daryeelka Bulshada naafada ah iyadoo laga ilaalinayo waxyaalaha dibu dhaca ku keeni kara ee ay ka midka yihiin ,Faquuqa,Takoorka iyo wax kasta oo meel ka dhac ku ah”

Jawaahir Baarqab oo ah Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir ayaa Cod dheer ku tiri “ Waxaa Dowladda Federaalka ugu Baaqayaa in Guryihii iyo Xarumihii ay lahaayeen Naafada Soomaaliyeed loo Dayactiro si ay wax ugu qabsadaan sidoo kale waxaa ugu baaqayaan Qaybaha kale ee Bulshada ay ay gacan siiyaan Dadka Naafada “

Cabdulaahi Maxamed Nuur oo ka socdey Hayada Hormuud Foundation iyo  Xarbi Jaamac o ka socdey Hayada Internews oo labaduba halkaa ka Hadley ayaa waxay sheegeen in loo baahan yahay in mar waliba la is garab taago Dadka Naafada oo ay sheegeen in ay yihiin dad haysta Dhibaatooyin kala duwan sidoo kale waxay sheegeen in Bulshada looga baahan yahay in ay u fududeeyaan waxa kasta oo ay u baahan yihiin Dadka Naafada ah

Cabdi Casiis Cabdulaahi Yuusuf (Dhagaqool) oo isna halkaa ka Hadley  ayaa sheegay in dowladu ku howlan tahay sidii loo meelmarin lahaa siyaasad gaar ah oo awoodsiinaysa Dadka naafadda ah ee ku Guud ahaan Dalka Soomaaliya waxaa kale uu sheegey in Dhamaan Ururada Naafada in ay midoobaan taasoo uu sheegey in ay ku gaari karaan Harumar la taaban karo

Intii ay Munaasbadaas Socotey ayaa Waxaa Khadka Isgaarsiinta ugu qayb galey Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Cabdiweli Shiikh Axmed waxaana uu yiri “ Marka hore waxaan idiin soo gudbinayaa Salaan aad u sareysa iyo Hambalyo marka Xiga waxay Xukuumada ay aad u dooneysaa in ay garab is taagto Dadka Naafada ah  oo ay helaan Dhamaan Xaquuqqa ay leeyihiin ha noqoto Waxbarasho, Caafimaad, Shaqooyin iyo wixii la mid ah”

Sidoo kale Munaasbadii lagu xusayey Maalinta Naafada Aduunka ayaa waxa sidoo kale Khadka Isgaarsiinta ugu qayb galay  Marwada Madaxweynaha Marwo Sahro Cumar Xasan  waxayna  bulshada ku boorisay in la iska kaashado daryeelka iyo horumarinta dadka naafadda ah maadaama yihiin dadka Bulshada ugu nugul Dhinaca kale  Ururka  SODEN waxaa uu halkaa uga Mahad celiyey intii Caawisey Naafada Soomaaliyeed

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply