Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dadka Araga la’ ee ka qayb galay Tartanka Qur’aanka ee Idaacada Risaala oo la abaalmariyay

Dadka Araga la’ ee ka qayb galay Tartanka Qur’aanka ee Idaacada Risaala oo la abaalmariyay

Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa ay qabatay xaflad ballaaran oo lagu abaalmarinaayay Ardaydii Kaalmaha ka galay Tartanka Qur’aan Akhriska Dadka Araga la’ ee Idaacada Risaala, sidoo kale xafladaan waxaa lagu ciidseeyay oo lacago lagu siiyay dhamaan dadkii Araga la’aa ee ka qaybgalay Tartanka Qur’aan Akhriska Idaacada Risaala, waxaana xaflada ay ka dhacday Hoteelka Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Saddexda ruux ee galay Kaalmaha ayaa waxaa lacago Abaalmarin ah Guddoonsiiyay Jaamacada Jobkey ee Magaalada Muqdisho oo Barnaamijkaan maalgelinaysay. Agaasimaha Idaacada Risaala Ustaad Maxamed Cabdi Wahaab Wabdulaahi oo ka hadlay xaflada ayaa u mahadceliyay Jaamacada Jobkey, Guddiga tartanka Qur’aan Akhriska iyo Guddigii ku howlanaa kaalmada dadka Araga la’.

Mohamed Abdi Wahaab waxa uu sheegay in dhageystayaasha Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho, kaalin mug leh ay ka qaateen Kaalmada dadka araga la’, waxaana uu sheegay dhaqaalaha ay dhageystayaasha Idaacada ku deeqeen dadka araga la’ in indhaha loogu fiiqi doono ku dhawaad 30-ruux oo dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Agaasimaha Idaacada Risaala ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in ujeedka ka dambeeyay fekerka ah in dadka araga la’ tartan loo qabto inay aheyd in la dhiirageliyo dadka baahiyaha gaarka ah qabo, maadaama dadkaan intooda badan aan tartan loo qaban, Idaacadana sanadkaan ay isku howshay arintaasi.

Guddoomiyaha Guddiga Taakuleynta Dadka Araga la’ Sheekh Cumar Maxamed Xeroow, ayaa madasha ka sheegay in Idaacada Risaala ay ku tilaabsatay guul weyn, maadaama hal abuurka tartankaan iyo taakuleynta dadka araga la’ ay laheyd Idaacada Risaala.

Maamo Sahra oo ka mid ah Guddiga Taakuleynta dadka Baahiyaha gaarka ah qaba ayaa dhankeeda waxa ay sheegtay inay maanta ku faraxsan tahay in la abaalmariyo dadka Baahiyaha gaarka ah qaba oo la siiyo lacag ay ku ciidaan, sidoo kalena la abaalmariyo Ardaydii kaalmaha ka galay Tartanka.

Guddoomiyaha Jaamacada Jobkey oo Barnaamijkaan maalgelinaysay Ustaad C/casiis Caagane, ayaa xaflada ka sheegay in Jaamacada Jobkey, markii Idaacada ay u soo bandhigtay Barnaamijkaan si deg deg ah Jaamacada ay ku aqbashay Maalgelinta.

Ustaad Caagane, ayaa madasha ku guddoonsiiyay lacag Abaalmarin ah Saddexdii Arday ee Araga la’aa ee Kaalmaha ka galay Tartanka Qur’aan Akhriska Dadka Baahiya gaarka ah qaba ee Idaacada Risaala.

Kaalinta Koowaad ayaa waxaa lagu abaalmariyay $350
Kaalinta labaad waxa ay Jaamacada Jobkey ku abaalmarisay $250
Kaalinta Saddexaad waxaa lagu abaalmariyay $200

Sidoo kale dhamaan Ardaydii Araga la’aa ee Tartankaan ka qaybgalay waxaa la guddoonsiiyay lacag dhan $50 doolar oo ay ku ciidaan, lacagtaasi oo ka mid ah lacagihii ay dhageystayaasha Idaacada ugu deeqeen dadka araga la’.

Idaacada Risaala ayaa sidoo kale indhaha u fiiqaysa dad gaaraya 30 ruux oo araga la’ taasi oo lacagta indhaha loogu fiiqaayo ay bixiyeen Dhageystayaasha Idaacada iyo shaqsiyaad ka mid ah Muwaadiniinta Somaliyed.

Fekerka iyo hal Abuurka ka dambeeyay Barnaamijkaan ayaa waxaa lahaa Tifaftiraha Idaacada Risaala Mohamed Kaafi Sheekh Abuukar, iyadoo la odhan karo Barnaamijkaan wuxuu u guuleystay sidii loogu talo galay.

Ceegaag- muqdisho

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply