Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo: Sheekh M-Idiris Oo La Maxkamadaynayo Laguna Heysto Dadka Ayaa Wacdisaa, Agoontana Lacag Baad U Aruurisaa (Ka Qeyb-Qaado Difaaca Sheekha)

Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah Culimadda Soomaaliya loogu jecel-yahay ,ayaa Dawladda Mareykanka qorsheyneysaa  inay dacwad ku soo oogto  Dhalashadda Mareykankana kala noqoto ,iyadoo Sheekha lagu eedeynayo inuu Diinta Islaamka fidiyo,dhalinyaradana ugu yeero inay Reer Galbeedka iska ilaaliyaan inay ku dhex-milmaan oo Diinta Islaamka ay ku dhaganaadaan.

Mareykanka ayaa Sheekha uga shakisan inuu Dhalinyarada tashkiilayo kana mid yahay Culimadda looga shakisan-yahay inay faafiyaan naceybka Reer -Galbeedka,waxaana qabtay ayay leeyihiin Mareykanka qodobka argagaxiso la dirirka,iyadoo Sheekha lagu tuhmayo inuu Soomaalidda qurbaha joogo iyo kuwa gudaha ku sugan inuu faafinta Diinta Islaamka ugu yeero,taasoo ay Mareykanka ku tuhmayaan Muxaadarooyinka uu jeediyo inay dhibsadeen Dawladda Mareykanka,maadaama loo arkay inuu dadka tashkiilinayo.

Dhinaca kale Wadaadka ayaa lagu heystaa inuu Agoomo badan oo Soomaali ah uu gar-gaar dhaqaalo u fidiyay,isagoo goobo lagu xanaaneeyo agoonta ka furay gudaha Soomaaliya,taasina ay dhibsadeen hey*adaha reer Galbeedka sida (UNICEF)oo u aragta Sheekha inuu xadkiisa soo gudbay,maadaama uu faraha la galay shaqo ay dhibsadeen Reer Galbeedka.

Sheekh Maxamed Idiriis ayaa hadda dacwadiisa ka bilaabatay Mareykanka,waxaana Sheekh Axmed-Nuur oo ka mid ah Culimadda Soomaalidda ee Mareykanka ka codsaday Soomaalidda inay ka qeyb-qaataan gurmadka dhaqaalaha loogu aruurinayo Sheekh Maxamed Idiriis,iyadoo Garyaqaanadda difaacaya ay sheegeen inay ku baxayo difaacidda Sheekha aduun-gaaraya 50-000 ilaa iyo 250-000-Doolar.

Sheekha ayaa hadii uu waayo lacag uu isku difaaco,waxaa lagala noqonayaa Baasaboorka-Mareykanka,waxayna u badan-tahay in la xiro,balse hadii uu helo Muxsiniin Soomaali ah oo Sheekh Maxamed Idiriis shafka u garaaca uu guuleysanayo,balse Mareykanka Garyaqaanadda lacago badan ayaa ku baxda oo hadii uu Yurub joogi lahaa Dawladda uu Baasaaboorkeeda heysto ayaa u qaban laheyd Garyaqaan difaaca,laakiin Mareykanka ninkii aan lacag heysan isku difaaco,waxay u badan-tahay in laga guuleysto,kadibna xabsi lagu tuuro.

Sheekh Maxamed Idiriis ayaa la isku raacay inuusan weligiis taageerin Ururka Alshabaab iyo in falal argagaxiso Caalamka laga fuliyo,isagoo Soomaalida baro tubta toosan ee Diinta Islaamka,wuxuuna ka soo horjeedaa markasta marka uu khudbadayno qaraxyadda Soomaaliya ka dhaca,halka ay Mareykanka ku andacoonayaan inuu Sheekha yahay Sheekh mayal adag oo dadka tashkiilaya inay nacaan dhaqamadda reer Galbeedka

Fadlan ka qeyb-qaado difaacidda Sheekha oo Culimadda Somalida-Mareykanka ay u fureen Webkaan hoose oo lacagaha loogu dirayo:http://shidrislf.com/

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag