Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo: Xafladii uu musharaxnimadiisa Madaxwaynonimada Soomaaliya uga dhawaaqay Bashiir Xaaji Cali (Jamaal)

Anigoo  ah Bashir Xaaji Cali (Jamaal) ahna muwaadin Soomaaliyeed waxaan go’aansaday in aan u tartamo jagada doorashada madaxwaynaha Jumhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ka dib markii aan garawsaday in wakhtigan lagu jiro dalka Soomaaliyeed midnimadiisii  iyo wadajirkiisii ay mugdi gashay iyadoo aan ku sababaynayo in 30, sano ee u danbeeyay aan si dhab ah loo wajihin xal u helidda dhibaatada haysata dadka iyo dalka Soomaaliya ee ay ka midyihiin amni xumada, dhaqaale burburka, barakaca, dagaallo sokeeye oo soo noqnoqda, kala shaki siyaasadeed iyo faragalin shisheeye. Anigoo arrimahaas eegaya waxaan garowsaday in dalku u baahanyahay :

1. Debuheshiisiin dhab ah oo loo sameeyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee wax kala tabanaya dhinac walba.

2. Debudajin gudaha iyo mid dibadda ka kooban sida dib usoo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku firiqsan daafaha adduunka.

3. Dawlad wadaag isu-dheellitiran sida in dhammaan gobollada dalku u sinnaadaan awood qaybsiga siyaasadda, dhaqaalaha, horumarinta iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha.

4. Daryeelidda dadka Soomaaliyeed oo u baahan in ay helaan xuquuqda muwaaddinimo ee ay ku leeyihiin dalkooda sida shaqada, caafimaadka, waxbarashada iyo nabadgalyada.

5. Dal iyo dadkiisa oo midaysan lama helikaro iyadoon lagu dhaqmin lana dhawrin qodobadda kor ku xusan maaddaama dawladnimadu tahay “heshiis bulsho”

Waxaan ka codsanayaa ummadda Soomaaliyeed in ay garab igu siiyaan hanashada xilkan madaxwayne ee culus si aan ummadda Soomaaliyeed uga saaro marxaladdan adag oo u baahan hoggaamiye daacad ah aqoonna u leh xallinta khilaafaadka siyaasadaha murugsan, dejinta iyo dibbudejinta qaxootiga, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, fulinta mashaariicda horumarinta iyo ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply