Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

(DAAWO SAWIRO): Maamulka Jubbland oo hawlo dactir ah ka wado gudaha maglada Kismaayo

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobbolka Jubbada hoose waxaa maanta ka bilowday howllo la doonayo in dib loogu soo celiyo bilicdii wadooyinka waaweyn ee magaalada kuwaasoo muddadii uu maamul la’aanta ka jiray magaalada bur buray, waxaana arrintaan hadda bilaabay maamulka Jubbaland.

Wadooyinka haatan uu Maamulka Jubbaland ka bilaabay hagaajinta  waxaa kamid ah wadada afar irdoodka ah ee Aargada halkaasoo lagu arkayo Cagaf-cagafyo iyo baabuur guraya bacaadkii qariyay laamiga.
Wadooyinka magaalada Kismaayo wax dayactir ah ma aysan helin intii ay qab qablayaashii ku dagaalamayeen magaalada Kismaayo.

C/naasir Seeraar Maax Afhayeenka Dowlad-gobboleedka Jubbaland ayaa saxafada u sheegay in arrintani ay kamid tahay tilaabooyinka ay ku doonayaan inay ku soo celiyaan bilicdii iyo nidaamkii magaalada Kismaayo lagu yaqaanay.
Sikastaba, Maamulka Jubbaland ayaa maalmihii ugu dambeeyay magaalada Kismaayo ka bilaabay dadaallo xooggan oo wax ku ool ah.

 

kismayo-Somalia

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag