Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO SAWIRO: Kulan Nabadeed oo lagu soo Afjarayaya Khilafaad ka dhex Tagnaa Qaar kamid ah Beelaha Daga Gobalada Jubboyinka iyo Gado Oo manta Lagu soo gabagabeyay jamacada kismaayo

Kulankaan nabadeed oo qayb ka ahaa dadaallo ah nabad raadin iyo iska shaafin beelaha dhexdooda ah oo muddooyinkaan ka socda magaalada Kismaayo ayaa qayb kamid ah waxaa lagu soo gaba gabeeyey xarunta jaamacadda Kismaayo.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen inta badan hoggaanada dhaqanka ee beelaha dega Jubba Land ayaa waxaa muhiimadiisu ahayd in Odayaasha dhaqanku ka wada hadlaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinkii ka dhashay dagaaladii bishii June ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madax dhaqameedkii kulanka ka qayb galay ayaa waxaa kamid ahaa Suldaan Cabdulaahi Cali Sonkor, Ugaas Maxamed Ugaas Maxamed Ugaas Xirsi, Suldaan Muuse Nuur iyo Madax dhaqameed kale.

Dhamaan haddallo ay kulanka ka jeediyeen ayaa waxay si wadajir ah u sheegeen in ay u wada istaageen isku soo duwidda dadka Jubba State.

Waa kulankii ugu horeeyey ee ay caynkiisa oo ay muddooyinkana yeeshaan waxgaradka beelaha Jubbooyinka iyo Gado.

Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag