Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Sawiradda ku Sabsan Suuqa kalluunka Magalada Kismayo (WARBIXIN).

Magalada Kismaayo waxa ay caan ku tahay Xeeb ku dherarsan ilaa iyo Kenya, Badan ayaa waxa ay ka helaan dadka degan magalda kismaayo kheyraad kala duwan oo ay ka mid tahay soo dabida kaluunka noocyadiisa kala duwan.

hadba waxaa yaraaday Bishii la soo dhafay kaluunkii la keeni jiray suuqa magalada kismaayo,

mar aan wax ka weydiiya dadka soo dabta kaluunka sababta keentay in uu kaluunku yaraado, waxa ay ii sheegey dhowr qodob oo ay ka mid yihiin, Dabeelaha oo kaca xiliyadan markii la soo gaaro, ciidamada kenya ee ku sugan magalada kismaayo oo aad aygana dhankooda ka dabta iyo Doomahii soo kaluumaysan lahaa oo Burcad badeed looga shaki qabo maraakiibtana ay dhankooda ka ugaarsanyaan doomahaas.

sikastaba, waxa Suuqa Kaluunka laga dareemayaa labadii maalmood ee la soo dhafay kaluunada noocyadiisa kala duwan oo dib loo keenayo suuq, kaluunkan oo lagu gadanayo qiima ka raqiisan kiimihii hore looga di jiray, waxaa kamid ahaa kaluunda aan suuqa ku soo arkay: Jiilijiili, Gishaar, Laqam, Yaman goodi, Bawiido, Boono iyo Teewo.

DAAWO SAWIRADA:


Ceegaag Online-Kismaayo

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag