Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo: BADSO/SCALE 2014

Waxaa June 8, 2014 magaalada Boston lagu soo bandhigay barnaamij ku saabsan afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed. Barnaamijkan oo loo bixiyay, “Barashada Afka iyo Dhaqanka Soomaaliyeed (BADSO),” [Ingiriis ahaan na ah: Somali Culture And Language Education (SCALE)] ayaa waxaa khudbado af-Soomaaliga loogu hiiliyay ka soo jeediyay indheergaradka ay ka mid yihiin: Abwaan Siciid Saalax Axmed, abwaan Maxamed Cismaan, iyo qoraa Ibraahim Maxamed-Deeq. Waxaa barnaamijkan soo qabanqaabiyay bahda BADSO, oo ah dhalinyaro ku bahoobay u-hiilinta afka hooyo. Himilada ay dhalinyaradani ka leeyihiin BADSO waa kobcin ay kobcinayaan “aqoonta qurbajoogga Soomaaliyeedi, siiba ubadku, u yeelan karo afkiisa, sooyaalkiisa iyo dhaqankiisa.”

In kasta oo wakhtigu saamixi waayay in xubno badan oo barnaamijka ka mid ahaa lala wadaago dadweynii soo cammiray madasha, waxaa haddana suurowday in markii ugu horreysay la soo bandhigo Tartan Aqooneed, oo ahayd xubintii ugu xiisaha badnayd ee barnaamijka. Dhalinyaro rag iyo dumar isugu jira ayaa waxa ay ku tartameen aqoon Soomaaliyeed, oo mawduucyo kala duwan ku saabsan. [Fadlan hoosta ka akhri weydiimihii ay dhalinyaradu ku tartameen.] Xubnihii wakhtigu saamixi waayay in la soo badnhigo waxay kala ahaayeen: “Sooyaalka Soomaalida” oo uu soo jeedin lahaa bare-sare Xasan Faarax Warfaa; “Maanso” ku saabsan waayaha qurbajoogga Soomaaliyeed oo uu soo jeedin lahaa abwaan Ciise Kaamil; iyo “Xeerkii Soomaalidii Hore” oo uu soo jeedin lahaa aqoonyahan Cabdimaalik Ibraahin.

Si kastaba ha ahaatee, June 8, 2014, habeen buu ahaa la isku hanuuniyay u hiilinta afka hooyo. Fadlan, daawo aaraa’yadii habeenkaas la isweydaarsaday:

Halkan hoose waxaad ka helaysaan weydiimaha “Tartan Aqooneed”:

 

Ugu dambayntii, “si gaar ah waxaa mahad, Eebbe ka dib, mudan bare, qoraa, iyo abwaan Siciid Saalax Axmed, iyo abwaan, qoraa Maxamed Cismaan, oo Minnesota marti inooga ahaa. Waxa kale oo aan u gobaynaynaa dadweynihii soo cammiray, iyo waliba indheergaradkii xogaha/waanada ka soo jeediyay, madasha BADSO @ ISBCC. Dhammaan hawlwadeennadii iyo qabanqaabiyayaashii in badan u soo dhafray xilgudashada habeenkaas waa ay mahadsan yihiin. Waxaa kale oo mahadsan shakhsiyaadkii iyo ururradii sida fiican noola garab istaagay taageerrada kharasheed, sida: RIAC iyo bahda Isjecel. Dhanka kale, misaajidka ISBCC iyo ururka MAS-Qur’an Institute ayaa aad iyo aad ugu mahadsan sidii ay garbaha noogu noqdeen.

“Halkan hoose waxaa ku taxan magacyada dadkii dhan kastaba naga taageeray:

“Fardowsa A. Suldaan | Luul Y. Suldaan | Naciima Cagalaab | Saciida Cabdi | Maryan Gaas | Oday Jaamac “Guulwade” | Axmed Nuur | Armaajo | Cabdiraxmaan Abiib | Shukri Macow | Injineer Xuseen Fiin | Salmaan Cabdullaahi | Axmed Abbanuur | Maxamed Aboolo | Sheekh Cabdiraxmaan Dheeg | Liibaan Bardacad | Cabdideeq | Farduus Siciid Xasan | Cabdirasaaq Fiin | Sheekh Maxamed Shaakir….”

 

Fadlan, wixii warar ah ee BADSO ku aaddan kala soco: Facebook.com/afkeenna

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply