Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daaqad:Taariikhda Goblkan Massachusets iyo Maraykanba

Akhristayaal wadankan Maraykanku beenbeen kuma uusan noqon quwada aduunka balse dadka wadankan ayaa ah kuwo iyagu meel iska dhigay is eegasho ku salaysan isliidid oo u tafa xaytay inuu qofba qofka akale ku gacan qabto xirfada uu yaqaano isaga oo rumaysan in hadii uu xirfadiisa gudbiyo inuu guulaystay.

Akhriste dadka wadankan Maraykanku waxay ka siman yihiin inay kufaanaan qofkooda waxtarka leh iskuna dayaan inay had iyo goor dhiiro galiyaan waloowba ha ahaada mid ka fag dhalasho, xitaa shaqsigii shaqsi kale ku tuhmaya aqoon wuu tix galiyaa ilaa intii xad ah taasoo ka dhigtay wadankan inuu ka hormaro aduunka intiisa kale.

Daaqada Taariikhda aan maanta daah rogano waa “USS Salam” markab dagaaleed aan waligii Khashar ka dhicin balse ahayd mid in kabadan ‘nus qarni’ 50 sano Quwadii aduunka ee Waarso Baadigoobasay inay Masrax dagaaleed kula kulanto amaba hesho sirteeda.

Markabkan waa markabkii ugu horeeyay ee Gantaalada loo yaqaan Kuruuska lagu rakibay waxaana lasameeyay Dagaalkii II ee aduunka inkasta oo aysan ka qayb galin. Markabkan waa markabkii loogu baadi goobka badnaa in badana bada Mediterranean  diiqa ka ahaa wax badana lagu baqo galin jiray ciidamadii bada ee quwadii Waarso.

Markii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa, ku amartukaalaynta dunidana quwada NETO u hadhay ayaa hawlgab laga dhigay markabkan Dudumiyaha ah, isaga oo lagu soo xidhay meeshii markii hore lagu dhisay ee Quincy MA. Hadana waa Madxaf loo daawosho tago.

 

Taariikhda Kalena waa Dhagax ku yaala wabiga Connecticut qaybta uu kamaro gobalkan Massachusetts ‘Gill.  MA’ dhagaxan oo laagu magac daray dhexbartamihii qarnigii 1700’s boqor Fransiis ah ‘King Gorge” oo mar ciidamadiisu kula dirireen qabaailadaii Calibaysteenka ahaa ee asal ahaa daganaa Deegaanadan oo la oran jiray Massachusetts.

Dhagaxaa waxaa ku kulmay taliyaashii ciidamadii Fransiiska iyo American Indianka  oo markaa ciidamadoodu kala fadhiyeen labada dhinac ee wabiga kuna kala sixiiday hashiis shaqeenayay ilaa intii Ingiriisku iskusoo balaadhiyay deegaanadan.

Hadana waxaa laga dhisay Buundo nooca Biraha ka samaysan oo la taagay 1932 ahna buudooyinka mareekanka ta ay Engineeradu ugu qadarin badan yihiin dhismaheeda had iyo goorna ay ku faanaan..

Eng Xuseen Fiin

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag