Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daahir Calasow oo kaga giriiriyay madasha 60 ka ee falaqaynta Siyaasada Soomaaliya

Wariyaha caanka ah Dahir Abdulle Alasow oo ah suxufi madaxbanaan isla markaana kamid ah abwaanada soomaaliyeed ayaa habeenkii xaley ee Taariikhdu aheyd February 26, 2015. siiyey Madasha #60 wareysigii sanadlaha ahaa aadna uxiiso badnaa badnaa ayuu kago waramay Xaalada dalka Soomaaliya guud ahaan iyo waliba gaar ahaan dhaliilaha ey leeyihiin Dowlada Federalka iyo Maamul Gobeleedyada kajira dadlka soomaaliya sida: SOMALILAND, KHAATUMO, PUNTLAND, GALMUDUG, GOBALADA DHEXE, KOONFUR GALBEED iyo JUBALAND iyo isagoo wareysigaan gaarka kaga warama arimo badan oo xaasaasi ah meel walbana caganta galiyey kana hadley xaqiiqada dhabta ah ee kajirta Maamul Goboleedyada dadka iyo qorshaha cusub ee DAM JADIID.

Dhagayso Waraysiga Dahir Calasow

Wariye Dahir Alasow ayaa waraysigani gaarka ah siiyay Madasha #60 oo ah Gole lagu qadaa dhigo falaqeynta siyaasadda iyo arimaha Dhaqaalaha. waana Gole Telefoon wadaag ah(Teleconference) oo furan 24ka saac maalin iyo habeenba, waxaa aalaaba meela kala duwan lagaga soo xidhaa  aqooyanahno,Siyaasiyiin,madaxda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedadaba waxaana la’isku weydaarsadaa aqoon guud iyo tala bixin jogta ah numberka madashuna waa sidaan 712-432-9900 pin #60..

Mudane Dahir Alasow ayaa kayaabsadey dadweynihii soomaliyeed ee dhageysanaayey mar uu kahadlayey xaalada gobalka AWDAL STATE iyo xaalka Suldhaan WABAR ayuu sheegey inuu hayo xaqiiqo badan ama saadaalin buuxda mustaqbalka siyaasada gobalkaasi AWDAL meesheey kudanbeyneyso isagoona yidhi in suldhaan WABAR kusoo fooleeyahey Casimada MUQDISHO asbuuca dambe lana kulmi doono Madaxda sare ee wadanka soomaaliya. hadiise Madaxda wadanku garooshiyo kabixin waayaan isla markaasna taageeri waayaan rabitaanka dadka reer AWDAL STATE eey aakhirka macquul noqon karto iney kubiiraan KILINKA SHANAAD EE ETHIOPIA. arintaas oo xaley oo dhan dadweynihii somaliyeed ee kujirey Madasha #60 falaqeeynayeen aadna ulayaabanaayeen balse Dahir Alosow ayaa ku’adkeysey hadii eeysan dhicin mar dambe waxba u saadaalin doonin.

Sidoo kale waxaa laweydiiyey ama uu xog badan kabixiyey dacwada kala dhaxeysa isaga iyo DAHABSHIIL iyo waxa uu kucadeeynkaro eydeyntii aheyd in DAHABSHIIL kadanbeeyey dilkii AUN SAADO ALI. wuxuuna sheegey inuu hayo cadeeymo dhab ah qofkii rabana tafaasiil saa’id ah uu lasoo xariiri karo.

Hadaba wareysiga oo dhameystiran halkaan kadhageyso.

Maamulka Madasha #60

Asadnaa Suudi

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag

Leave a Reply